WorldRemitAds
Bujumbura, Burundi, December 13, 2015 (Saxafi) – Meydadka 34-qof ayaa shalay laga helay waddooyinka magaalada Bujumbura ee caasimadda Burundi, kuwaas oo la sheegay in lagu dilay toogasho, kaddib dagaallo 24-saac qaatay oo ka dhacay Bujumbura.

Wariyeyaal ku sugan caasimadda Burundi ayaa sheegay inay arkeen Meydadka 21-qof oo yaalla waddo marta degmo ka tirsan Bujumbura, sidoo kalena saraakiil ka tirsan dowladda dalkaas ayaa sheegay iyaguna in Meydadka 13-qof oo kale lagu arkay degmooyin kale.
Meydadka dadkan ayaa la sheegay inay u badan yihiin dhallinyaro la toogtay, kuwaasoo qaarkood ay gacmaha ka xidhnaayeen. Iyadoo Meydadka lagu arkay magaalada Bujumbura ay imaanayaa xilli maalin ka hor la weeraray saddex saldhig oo ay lahaayeen ciidamada millateriga Burundi.
BurundiSidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Meydadka intooda badan laga helay Nyakabiga oo ah degmo ay ku badan yihiin xoogagga xukuumadda kasoo horjeeda, inkastoo aan la sheegin cidda dilkooda ka dambeysa, balse waxaa lagu eedeeyay dilkooda ciidamada dowladda.
Degmada Musaga oo ku taalla Koonfurta Bujumbura ayaa iyana waxaa laga helay iyadana Meydad kale oo fara badan, halka Meydadka qaarkoodna lagu arkay degmooyin kale oo ka tirsan Bujumbura.
Shacabka ku nool degmooyinka inta badan Meydadkan laga helay ayaa millateriga Burundi iyo booliiska ku eedeeyay inay dileen dhallinyaradan Meydadkooda laga helay caasimadda Burundi, kaddib badhitaanno guri-guri ah oo ay ciidanku shalay ka sameeyeen degmooyinka magaaladaas.
Balse, afhayeenka booliiska Burundi oo la hadlay Reuters, ayaa sheegay in dadkan la dilay ay ahaayeen kooxihii hubeysnaa ee weerarrada la beegsaday saldhigyada ciidamada dalka Burundi ay ku leeyihiin duleedka magaalada Bujumbura.
Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan ka socday rabshado iyo iska-horimaadyo ciidamada iyo kooxo dibadbaxayaal ah u dhexeeyay, kuwaasoo ka dhashay go’aankii uu mar saddexaad ugu tartamayay madaxweynaha dalkaas xilka madaxnimo ee Burundi.
Ugu dambeyn, tan iyo markii ay rabshaduhu ka billowdeen dalka Burundi waxaa toogasho lagu dilay in ku dhow 300-qof oo intooda badan ahaa shacab bannaan-baxyo ka dhigayay magaalada xarunta u ah dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la wadaa dadaallo la doonayo in dhinacyada isku haya talada dalkaas la isugu keeno wada hadallo nabadeed oo xiisada taagan lagu soo af-jarayo, iyadoo dalka Burundi ay ciidammo nabad-ilaalin ahi kaga sugan yihiin Soomaaliya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.