WorldRemitAds

Jigjiga, Ethiopia, July 26, 2018 (Saxafi) – Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga kaddib rabshado shalay ay ka dhigeen magaaladaas dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay ilaa doraad iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dawlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xidh xidhan xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadinaya.

SomlegalAds

Horay maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xidhay Jeelkan oo ahaa ugu ballaadhan ee ay ku xidh-xidhnaayeen dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xidhiidhka la leh Ururrada mucaaradka.

Balse dadkan cabanaya ee rabshadaha ka dhagay Jigjiga ayaa ku doodaya in ay wali jiraan dad ku jira gacanta maamulka, islamarkaana loo geysanayo tacadiyo kala duwan.

Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.