WorldRemitAds

Waxa sabab u ahaa jiir ay haweenay ka mid ah dadkii cibaadaysanayay ay ku aragtay meel u dhow

Siddeetan qof ayaa ku dhaawacmay salaadii tahajudka ee habeenkii 27-kii Ramadan, kuwaas oo ka mid ahaa boqolaal kun oo qof oo ku cibaadaysanayay, Masaajidka saddexaad ee ugu wayn dunida oo ku yaala dalka Morocco caasimaddiisa.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Sida wakaaladaha wararku ku warameen Shilkan dhaawaca iyo cabsida ka dhex abuuray dadkii salaatu laylka ku tukanayay Masaajidka Boqor Xasan ee dalka Morocco ayaa waxa sabab u ahaa jiir ay haweenay ka mid ah dadkii cibaadaysanayay ay ku aragtay meel u dhow.

Gabadh ka mid ah haweenkii salaada tahajudka ku tukanayay masaajidka ayaa qaylo kaga toshay, ka dibna waxa iyagoo naxsan is jiidhay jamacii kale ee haweenka, waxaana fir ka naxii halkaas ka dhacay uu gaadhay ilaa qaybka kale ee Ragu ku tukado, oo dad badani u qaateen in weerar argagixiso dhacay.

Sida lagu sheegay bayaan laga soo saaray, xafiiska guddida maamusha masaajidkaas, waxa shilkaas jiirku sababay ku dhaawacmay ilaa sagaashan qof, oo intooda badani dumar ahaayeen, kuwaas oo dhaawacoodu aad u fudud yahay, balse ay jiraan ilaa dhawr xaaladood oo Jajab iyo miyir doorsoon isugu jiray, kuwaas oo cusbitaalada loola cararay si loogu kabo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.