WorldRemitAds

Saldhig milatariga Israel ku leeyihiin degaanka Beer Shava ee koonfurta dalkaas ayaa looga qaxay jiir, weerar ba’an ku haya saldhigaas, kaas oo duulaan ku ekeeyay, xafiisyada, guryaha ciidamadu seexdaan iyo qaybaha lagu cunteeyo ee saldhigaas.

Sida ay isniintii todobaadkan bogeeda hore ku daabacday jariirada labaad ee ugu shacbiyada badan dalkaas oo lagu magacaabo “Yedioth Ahronoth,” xaalada saldhigaas iyo dhibaatada laga mutay weerarka jiirkaas ayaa qarka u saaran in gabi ahaanba looga qaxo xeradaas oo loo baneeyo jiirka.

1_951701_1_34Mid ka mid ah saraakiisha saldhigaas ayaa jariirada u sheegay in isku dayo kasta, oo lagu doonayay in jiirkaas lagula tacaalaa ay ku dhamaadeen guul daro, xaaladuna faraha ka baxday, isagoo intaa ku daray in jiirkaasi yahay mid wada duulaan aan daqiiqad qudha istaagayn.

SomlegalAds

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in xafiisyadii iyo qalabkii elegtarooniga ahaa ee xaradaasi ay gabi ahaanba burbureen oo weerarkaa jiirka ku baaba’een, sidoo kale waxa uu xusay in aan cunto ku soo yeedhin dhar iyo wixii agab kale ay askartu isticmaalaysayna in laga faro baxo ku dhaw yihiin.

Mid kale oo ka mid ah askarta ka hawl gasha xeradaas ayaa isna wargeyska u sheegay in dagaalka jiirkan lagula jiraa ku dhow yahay gabo gabo, oo laga yaabo sida uu hadalka u dhigay in jiirku ku guulaysto oo xeradaa looga guuro, askarigan ayaa intaa ku daray in dagaal kasta oo lagu qaado jiirkaasi uu isku badalo in uu sii xoogaysto oo awood iyo tiro ugu korodho mooyee aan waxba iska dhimin.

Sida jariiradu warkeedaa ku soo gaba gabaysay dagaalkan iyo duulaankan ba’an ee jiirku ku hayo saldhigaas milatari oo ka mid ah xeryaha ciidamada dalkaas kuwooda ugu waaweyn, ayaa qaylo dhaantiisu gaadhay meel kasta oo dalkaas ka mid ah, waxaanay imika maraysaa aqalka baarlamaanka dalkaas ee Kanisat-ka loo yaqaan oo laga yaabo sida ay jariiradu sheegtay in lagu naaqisho wixii jirkaas laga yeeli lahaa iyo go’aanka ugu danbeeya ee saldhigaasi ku danbayn doono.

Waxa bil ka hor isla jariiradani ka warantay fiidmeer iyadana looga qaxay saldhig kale oo ciidamada Israel ku leeyihiin dhinaca waqooyi ee dalkaas, gaar haan meel u dhow xadka dalkaasi la wadaago lubnan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.