WorldRemitAds
Dunidan aynu ku noolahay waxa mar kasta ka dhaca qisooyin iyo arrimo badan oo layaab leh, kuwaas oo dadka badankoodu marka ay arkaan dhinacyo kala duwan u qaataan, fasiraado iyo macnayaal badana ay ka bixiyaan, laakiin marka la isku soo wada xooriyo ay ka siman yihiin in arrintaas ama dhacdadaasi ka yaabisay.

Sida dhacdadan aadka u layaabka badan oo dhawaan ka dhacday dalka Argentina ee koonfurta qaarada Amerika, taas oo la xidhiidha mudaharaad cabasho ah oo uu dhigay nin Jilaa Majaajilayste wayn ah oo dalkaas iyo waddamada ku xeeran aad looga wada yaqaano.
Jilaa Claudio RicoMajaajilaystahan oo lagu magacaabo Claudio Rico ayaa Mudaharaadka uu kaga cabanayo Wadno xanuun ku dhacay oo uu sababta inuu qaado xanuunkan uu ku eedeeyay tuugada dhaca iyo boobka joogta ah ka sameeya dalkaas oo uu cabsidooda ka qaaday.
Fanaankan ayaa sheegay in wadno xanuunkani uu ku soo booday mar uu dhawaan dalxiis ugu baxay degaanka Mar Del Plata, oo ah goob loogu tala galay in lagu raaxaysto, laakiin isagu raaxo iska daaye uu dhibaato nololeed iyo mid caafimaad kala kulmay, halisna naftiisu gashay.
Fanaankan majaajilaystaha ah oo mudaharaad ku jira ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay, in muddo dheer uu lacag urursanayay, isla markaana doonayay in isaga iyo xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay ay mar si fiican u soo raaxaystaan, laakiin xaaladu mashaqo iyo wax aan la malayn karin isku rogtay.
Tuug ayuu sheegay in ay ugu soo dhaceen meeshii uu deganaa ka dibna ku hor garaaceen xaaskiisa oo lagu magacaabo, Florencia iyo labadiisa carruur ah, waxa uu xusay in lacag dhan afar kun oo dollar ay ka qaateen, laakiin wadno xanuunku uu ku soo booday markii xaaskiisa oo qaylinaysaa ay kor ugu qayliday, waan dhimaynaynaa na geeya meeshaad doontaan.
Sida uu ku doodayo ninkani hadalada xaaskiisa uu jecel yahay iyo arxan daradii tuugta oo la isku daray ayuu sheegay in wadnuhu mar qudha kacay oo kala garashadu ka lumi gaadhay, markii danbe ee la baadhayna loo sheegay in wadno xanuun ku dhacay, taas oo sabab ay u tahay dhaca iyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas ayuu yidhi.
Fanaankan ayaa sheegay in uu deg deg uga soo laa laabtay goobtii uu dalxiiska ku tagay isaga oo aan muraadkiisu u dhamaan isaga iyo carruurtiisa, waxa kale oo ka waramay cabsida ka jirta dalkaasi sida ay noloshiisi oo dhan ugu badashay mid basan baas ah.
Ninkan ayaa sheegay in uu mudaharaadka wadayo isla markaana rejaynayo in cidi kula soo biirto oo laga dhiidhiyo tuugada iyo argagaxeeda nolosha malaayiin qof oo reer Argentine ah gaalaaftay, waxaanu si adag u sheegay inuu wadayo mudaharaadka, wadno xanuunka ku dhacay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.