WorldRemitAds

Senator John McCain oo ahaa Musharaxii 2008-dii Barack Obama kula tartamay Madaxtinimada dalka Maraykanka, kana tirsan siyaasiyiinta ugu waaweyn xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, ayaa ku dardaarmay inaanu madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump aanu aaskiisa ka soo qayb gelin.

Senator John McCain oo la il daran cudurka Kansarka oo maskaxda kaga dhacay, xiligana u jiifa cusbitaal ku yaala, gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa ku dardaarmay in haddii uu dhinto aanu Donald Trump ka soo qayb gelin aaskiisa.

SomlegalAds

Waxaanu senatorkan ka tirsan golaha sare ee dalka Maraykanku codsaday in Donald Trump ka maqnaado aaskiisa, badalkiisana uu ka soo qayb galo madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Bens, warkan oo maalintii shalay ay daabacday jariirada New York Post ayaa aad uga yaabiyay dadka Maraykanka.

Sababtoo ah? Siyaasigani waxa uu ka mid yahay rug cadaayada ugu saamaynta wayn xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Donald Trump ka soo baxay, kaas oo lagu tilmaamo tiirarka xisbigaasi ku qotomo, si wayna ugu matali jiray maxfalada waaweyn ee xisbiga.

John McCain oo 81-jir da’diisu tahay, ayaa buug uu dhawaan soo saaray si kulul ugu weeraray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo uu ku tilmaamay qof liita oo caqli xun, meel ka dhacna ku ah qiyamka dawladnimo ee dalka Maraykanka.

Waxaanu sida jariiradu sheegtay uu ku dardaarmay in haddii inta Donald Trump xukunka hayo uu dhinto aanu aaskiisa ka soo qayb gelin, taas oo sida uu tilmaamay xurmadiisa meel ka dhac ku noqon doonta haddii uu aaskiisa ka qayb galo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.