WorldRemitAds
Rayi ururin caafimaad oo laga diyaariyay xarumaha caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in kala badh dadka Ingiriisku aanay aqoon u lahayn, halka wadnuhu kaga yaalo jidhkooda, oo marka la waydiiyo xitaa aanay malayn karayn halka wadnahoodu ku yaalo.

Sidoo kale rayi ururintan ayaa lagu sheegay in aanay aqoon darada jidhka aadamaha ee dadka Ingiriisku ku koobnayn oo qudha, garashada meesha wadnuhu kaga yaalo, laakiin aanay xitaa inta badan dadka Reer Britain aqoon tirada ilkaha aadamigu inta ay yihiin marka koriinkiisu u dhamaystirmo, waxa kale oo la cadeeyay in aanay waxba ka aqoon badankoodu xubnaha jidhka aadamiga waxa ay qabtaan ama kala qaabilsan yihiin.
Kala badh dadka IngiriiskaIn ka badan kun qof oo u dhashay dalka Britain oo warbixintan xiisaha leh laga diyaariyay ayay dhakhtaradu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha, qaybaha jidhku ka kooban yahay iyo mid walba adeega uu qaabilsan yahay, waxa kale oo la waydiinayay dadkaas inay qiyaasi karaan tirada ilkaha aadamigu inta ay noqoto marka koriinka qofku dhamaystirmo.
Sida warbixintaasi sheegtay kala badh dadkii la su’aalay way ku guul daraysteen inay xadidaan tirada dhabta ah ee ilkaha aadamiga, waxa kale oo ay kala garan waayeen meelaha ay ku kala yaalaan, kelyaha, beerka iyo xubnaha jidhka ee wadnuhu ka midka yahay.
Hasa yeeshee arrinta ugu daran ee la yaabka ku noqotay ayaa ahayd markii dadkan la waydiiyay, heer kulka jidhka qofku marka uu caadiga yahay ee caafimaadkiisu fiican yahay inta uu gaadho, su’aashaasi waxa ay ahayd tii lagu wada daatay, waxaana si haboon uga jawaabay oo kaliya boqolkiiba toban ka mid ah, halka boqolkiiba sagaashan kii kale ay garan waayeen.
Baadhayaashii rayi ururintan diyaarinayay ayaa aad ula yaabay markii ay arkeen dhalinyaro iyo waayeel kala duwan oo u dhashay dalkaas, kuwaas oo madaxa xoqonaya markii la waydiiyay halka wadnahoodu ku yaalo, kuwaas oo in badani ka cudur daarteen ama meel aan ahayn tilmaameen.
Dadkan ayay ku jireen, arday iyo dad wax bartay waxa kale oo ku jiray dad shaqaale ka ah hay’ado kala duwan, hasa yeeshee waxba way ka garan waayeen intooda badani qaybaha kala duwan ee jidhkooda iyo sida ay hab dhisyada jidhkoodu u dhisan yihiin iyo waxa ay kala qabtaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.