WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 29, 2015 (Saxafi) – Golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay waxaa u furmay kalfadhigii 29-aad, wakhti ay shirguddoonka golahaasi oo hore isu eeday u muuqdaan kuwo dhinac u wadda jeeda.

Kalfadhigan furmay ayaa waxaa golaha lagu soo kordhiyay mishiinkii farta la saarayay ee habsanka tilmaamayay, iyadoo la doonayo in xildhibaanaddu farta saari doonaan.

Kalfadhigan waxa furay gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxaana mudanayaasha loo qaybiyay ajande hawleedka golaha ee kalfadhigan, iyadoo loo balamay in fadhiga xiga lagaga doodi doono.

SomlegalAds

Kalfadhigii Golaha Wakiillada Oo Ku Furmay Jawi Ka Duwan Kuwii HoreGuddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro waxaa hareero fadhiyay labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed oo ay fadhigii kan ka horeeyay ku kala tageen dagaal gacmaha la isula tagay.

Waxaa xusid mudan in labada guddoomiye ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed ka mid yihiin isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye oo saluugay shirweynihii shirka Kulmiye loogu doortay Musharaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi halka musharaxa madaxweyne ku xigeenkana loo doortay Cabdiraxmaan Saylici, waxaana loo arkaa in aanay labadan muddane waqtigan isku fiicneyn Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo ay muddo dheer daacad u soo ahaayeen. Waxa la xasuustaa khilaafyo cakiran oo shirguddoonka soo gala dhexgalay iyagoo siyaasadaha xukumadda difaacaya.

Hase ahaatee, hadda waxaa la filayaa in Guddoomiye Cirro mucaaradnimadooda darteed u soo dhaweysto, haddii qorshayaasha socdaa guulaystaana lagu heshiiyo in garabna looga tanaasulo xilal uu ka mid-yahay kan guddoomiyenimada Wakiilladu, Waddanina lagu taageero inuu gaadho Kursiga madaxtooyadda. Waxaana durba soo baxday in kursigaasi uu ku fadhiisan doono guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, inkasta oo ay jirto kala qaybsanaan beelaysan iyo weerar dhinacyo badan kaga socdaa.

Geesta kale kalfadhigani wuxuu la kowsaday xakamayn lagu samaynayo wakhtiga shaqada ee mudaneyaasha, waxaana shalay ka muuday madasha oo la keenay Mishiin-yar oo diiwaangelin doona mudaneyaasha, islamarkaana 09:30 galinka hore mudanaha ka dambeeya ku qoraya inuu habsan yahay. Waxaa hore u dhici jirtay in mudaneyaashu buug sixi jireen, in kasta oo loo tag waayay oo ay yaryihiin mudanayaasha toos waajibkooda uga soo baxaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.