WorldRemitAds
Shirkad qalabka elegtarooniga ah farsamaysa oo laga leeyahay dalka Jabaan ayaa ikhtiraacday kambuyuutar cusub oo noqon doona Kambuyuutarka ugu awooda iyo xawaaraha sareeya dunida.

KambuyuutarkaShirkada Fogitsu lagu magacaabo oo xarunteedu tahay magaalada Kope ee dalka Jabaan ayaa sheegtay in kaambuyuutarkoodani boqalaal jeer ka awood iyo xawaare sareeyo kii rikoodhkan haystay ee dalka Shiinuhu sameeyay.
Kaambuyuutarkan oo lagu magacaabo Key Computer wuxuu la awood iyo speed yahay 8-kun oo kaambuyuutar oo mid walba Rom-kiisu yahay eight-core processor. Waxyaabaha layaabka leh ee Key Computer dheer yahay kaambuyuutar kasta ayaa ah in aanu lahayn waxa loogu yeedho Graphics Chips, taas oo ka dhigaysa ka ugu awooda badan uguna xawaaraha dheereeya dunida.
Kaambuyuutarkan cusub ayaa sida la sheegay lagu isticmaali doonaa oo kaliya xarumaha baadhista  chemical ee dalkaas. Sida la sheegay wuxuu ilbidhiqsigii jarayaa wareeg xawaarihiisu dhan yahay tobanaan bilyan oo jeer, marka laga eego Processor-kiisa, taas oo uu tobanaan jeer kaga saraynayo kaambuyuutarkii rikoodhkan haystay ee lagu sameeyay magaalada Tianjin ee waqooyiga Shinaha oo lagu magacaabi jiray PC Ripper “Tian is 1 E.”
Tartanka Shirkadaha farsameeya kambuyuutarada u dhexeeya ayaa maraya halkii ugu saraysay, waxaana hogaanka u haya shirkaddaha Jabaaniiska iyo Shiinaha, waxa kaalmaha danbe galay kaambuyuutarada Maraykanku farsameeyo gaar ahaan shirkada IBM oo kaalinta 12aad ku jirta.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.