WorldRemitAds

Kaniisada Kaldaaniyiinta Ciraaq ee diinta Masiixiga ayaa dadka Rumaysan ugu baaqday inay la soomaan muslimiinta bisha barakaysan ee Ramadaan, kana shaqeeyaan wada jirka iyo wada noolaanshaha qaranimo ee dalka Ciraaq.

Kaniisada Chaldean-ka ee dalka Ciraaq oo ka mid ah kaniisada bariga ee mad-hab ahaana haysta kitaabka muqadaska ee ugu aslisan diinta Kiristaanka, wax ka badalna aanay ku samayn baadariyada reer galbeedku, ayaa baadariyada ugu sareeyaa soo saareen bayaan ay dadka aaminsan Chaldean-ka kaga codsanayaan inay muslimiinta la soomaan.

Sida wakaaladaha wararka dunidu qoreen, baadariga ugu sareeya kaniisadaha Kaldaaniyiinta dalka Ciraaq, ayaa dhamaan dadka aaminsan Mad-habtooda iyo kaniisadooda ugu baaqay inay jicme kasta oo bisha barakaysan ee Ramadaan la soomaan Muslimiinta.

SomlegalAds

Go’aankan ayuu baadarigu ku tilmaamay fariin xambaarsan baaq nabad galyo oo ay guud ahaan shacabka dalka Ciraaq kaga codsanayaan, inay dib u soo nooleeyaan wada noolaanshihii iyo wada jirkii soo jireenka ahaa ee shacabka ku wada dhaqan dalka Ciraaq ee colaadaha iyo qalalaasaha siyaasadeed kala fogeeyay.

Baadariga kaniisada Kaldaaniyiinta Ciraaq ayaa taageerayaasha kaniisadooda ka codsaday inay caawiyaan dadka baro kacayaasha ah iyo dadka dhibaatooyinku ka soo gaadheen colaadaha dalkaas ka socda.

Baadarigan ayaa sheegay in si loo xoojiyo midnimada iyo wada jirka shacabka Ciraaq ay lagama maarmaan tahay in la garabsado, oo wada jirka iyo amniga laga wada qayb galo.

Kaniisada Chaldean-ka Ciraaq ayaa dadka rumaysan u soo jeedisay inay midnimo iyo taageero u muujiyaan muslimiinta dalka Ciraaq, soonka bisha barakaysan ee Ramadaana kala qayb qaataan, oo maalmaha jimcayaasha ay soomaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.