WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, February 26, 2016 (Saxafi) — Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Max’uud ayaa Kenya u aragtay inuu ugu hiilinayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in tiro u dhexeysa 180 illaa 200-Askari oo Kenyan ah lagu Dilay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday 15-kii Bishii hore Saldhigga AMISOM ee Ceel-cadde ee Gobolka Gedo. Laakiin, ciidamada Kenya ayaa diiday tirada uu Madaxweynaha Somalia sheegay in lagaga dilay Weerarkii Deegaanka Ceel-cadde. Kuna tilmaantay mid dhinac ah.
Dawladda Kenya, ayaan weli sheegin Tirada Ciidamadii lagaga dilay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday bishii hore saldhigga deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ay ku lahaayeen.
Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay Weerarkaas ku dileen 100-Askari oo ciidamadii Kenya ee saldhiggaas ku sugnaa ka mid ah, halka ay xuseen inay 12-askari oo nool gacanta ku dhigeen.
Afhayeenka Ciidanka Kenya, Col. David Obonyo oo isagu la Hadlay shalay Warbaahinta Dalka Kenya, ayaa sheegay in tirada Ciidamadii lagaga dilay Kenya Weerarkii Ceel-cadde ee uu sheegay Madaxweynaha Somalia aanay ahayn kuwo sax ah. “Weli annagu kamaanu hadlin tirada khasaaraha Ciidankayaga loogu geystay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday Saldhigga Ciidamaddayadu ku sugnaayeen ee Ceel-cadde, waayo cidina ma ogaan karto khasaaraha dhabta ah ee Weerarkaas ka dashay, Dhibaatooyin ay Geysteen kooxo kalena Aniguba ma sheegi karo, ” ayuu intaas raaciyay Afhayeenka Ciidanka Kenya.
Col. Obonyo ayaa intaas ku daray. “Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha Somalia uu u Hadlayo Ururka Al-shabaab. Tiradan uu Xasan Sheekh Sheegayna ma aha kuwo si sax ah loo soo xigtay. ”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tirada ciidamada Kenya lagaga dilay weerarkii Ceel-cadde ku sheegay Wareysi uu Wadajir ugu siiyay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shabakada Hiiraan. com iyo Somali-Cable TV, Wuxuuna isla Wareysigan ku difaacay ka qayb-galkiisii Aaskii Qaran ee loo sameeyay Qaar ka mid ahaa Ciidamadii Kenya ee Ceel-cadde ay ku dishay Al-shabaab. Ka dib markii dadweynuhu si weyn ugu dhaliileen.
Madaxweynahad Somalia ayaa sheegay inay Muhiim tahay inuu ka qayb-galo Aaska Qaran ee loo sameeyay Ciidamadii lagu dilay Deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. “In 180 ama ku dhawaad 200 oo Askari oo loo soo diray inay Somalia taageeraan oo maalin keliya la dilaa ma aha mid fudud, ” ayuu Madaxweynaha Somalia ku yidhi wareysigan, Isagoo Hadalkiisa ku daray. “Askartan waxay ahaayeen kuwo loo soo diray in Nabadeynta Somalia ay ka Qayb-qaataan, iyadoo Qoysaskooda loo sheego in ay Geeriyoodeen iyagoo hawshaas ku jira, taasina ma aha mid la fududeysan karo. ”
Kenya ayaa Waxaa kaga Sugan Soomaaliya in ka badan 4, 000 oo Askari oo Qayb ka ah hawlgalka Ururka Midowga Midowga Afrika [AMISOM], kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 22, 000 oo Askari, kana taageera Dowladda Somalia Dagaallada ay kula jira Xoogagga Al-shabaab.
Tirada uu sheegay Madaxweynaha Somalia in lagaga dilay ciidamada Kenya Ceel-cadde ee ah inay ka badan yihiin 180-Askari oo Kenyaan ahaa, ayaa Haddii ay sax noqoto, Wuxuu Noqonayaa Weerarkii ugu Khasaaraha badnaa ee ay Al-shabaab Geysato Tan iyo markii la Aasaasay Kooxdan Toban Sano ka hor.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.