WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, March 27, 2012, (Saxafi) – Wararka ka imanaya dalkaKenyaayaa sheegaya in wadankaas laga helay shidaal ka dib markii in muddo ah ay shirkad lagu magacaabo Tullow Oil ka qodaysay dalkaas.

“Waa markii ugu horaysay ee laga helo shidaal dalkaKenyawana huromar iyo guul ay gadhay” Sidaa waxaa yidhi Madaxwayne Kibaaki oo u waramayey warbahinta dalkaKenya.

Shirkada Tullow Oil ayaa waday baadhis in muddo ah ka socotay goob ku taal waqoyi-galbeed gobolka Turkana ee dalkaasiKenya. Arrintan ayaa warku sheegay inay kordhinayso ganacsiga dalkaas oo ku xidhan ama ah ganacsiga ugu baladhan ama uguwayneee Geeska Africa.

SomlegalAds

Waxana sanad-walba booqda kumaanaan  dalxiisayal ah oo ay ka heshoo dakhliga ugu badan ee laf-dhabarta uu ah dhaqaalaha dalkaKenya, waxana madaxwayne Kibaaki sheegay in shirkada Tullow ay sii wadi doonto baadhista   ceelasha Saliida si ay u ogaato khayradka dalkiisu leeyahay. “Waa bilowgii hawshani imika in kasta oo muddo dheer lagu jirey sahaminta sidii ay dalkaKenyauga mid noqon lahayd dalal ka ganacsada saliida ama Shidaalka, taasoo  immika ay naga xigto ama nagu qaadanaysaa muddo 3 sano ah. Waxaanan uu balan qaadaya shacabka dalkaKenyalala socodsiin doono talaabo talaabo sida ay hawshu u socoto” Sidaana waxaa yidhi madaxwayne Kibaaki. Shirkaada Tullow Oil ayaa hawlo baadhis ah ka wada dhowr wadan sidaa wadanka la jaarka ahKenyaeeUgandasida lagu sheegay warsaxafadeed ay ku bahisay shirkaadu shabakada Internetka ay ku leedahay.

Waxana uu war saxafadeedkaasi uu qoornaa sidan : “Waxaan ku faraxsanahay hawshii aanu ka wadnay dhamaan wadamada ka tirsan Geeska Africa gaar ahaan wadankaKenyaiyoEthiopia, waxaanan ku hanwaynahay hawshaas oo wali ah  bilow” Warkan waxaa ku saxeexnaa masuulka shirkada Tullow Oil u qaabilsan Sahanka Agnus McCoss.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.