WorldRemitAds
Nairobi, Kenya, December 20, 2015 (Saxafi) — Dawladda Kenya ayaa soo bandhigtay magacyada iyo sawirrada 11-qof oo lagu eedeeyay inay maleegayeen Weerarro Argagixiso oo laga geysto gudaha dalka Kenya.

Eedeysanayaashan ayay dowladda Kenya sheegtay inay yihiin kuwo hubeysan oo khatar ku ah amniga dalkeeda, iyadoo xustay inay hore uga qayb-qaateen weerarkii deegaanka Mpeketoni ka dhacay sannadkii hore.

Koox lagu eedeeyay inay maleegayeenWarbaahinta waddanka Kenya oo soo xiganayay saraakiisha amniga ayaa sheegtay inay raga la shaaciyay sawiradoodu maleegayeen weerarro argagaxiso inay ka geystaan Kenya, gaar ahaan marka uu sannadkan dhammaadka yahay iyo weliba sannadka soo socda horraantiisa.

Dhanka kale, shacabka dalka Kenya ayaa loogu baaqay in laamaha amaanka ay ku war-geliyaan haddii ay raggan arkaan, macluumaad haday ka hayaan ama ay og-yihiin halka ay ku sugan yihiin.
Cabdifataax Abuubakar Cabdi oo ka mid ah raggan magacyadooda iyo sawirkooda lasoo bandhigay ayaa la sheegay inuu yahay Somali, kaasoo hore looga musaafuriyay dalka Kenya.
Ugu dambeyn, ma aha markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay soo ban-dhigto magacyada iyo sawirrada rag ay sheegtay inay yihiin kuwo dalkeeda ka geysanaya weerarro argagaxiso.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.