WorldRemitAds

Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa ku guulaystay tijaabinta diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ee “Helicopter”-da loo yaqaano ah, kuwaas oo uu si gaar ah ugu farsameeyay ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalkiisa, si ay ugu adeegsadan la dagaalanka kootorabaanka iyo kooxaha sida qarsoodiga ah xuduudaha uga talaabiya badeecadaha iyo dadka aan sharciga lahayn.

Ninkan oo lagu magacaabo Xaatim Kadib Sulaymaan oo da’diisu tahay 59-jir, waxa sida ay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriisku ku warantay, uu ku talaabsaday arrintan ka dib markii uu u adkaysan waayay dhibaatada iyo gaadiid xumada haysata ciidamada Turba taariyada ee dalkiisa oo aan haysan wax ay ku sugaan xuduudaha dalkooda.

Mr. Sulaymaan waxa uu badka soo dhigay diyaaradii ugu horaysay ee nooca qumaatiga u kaca ah ee dalka Ciraaq Gudihiisa lagu sameeyo, taas oo uu u doortay in midabkeedu noqdo Buluug ama mid aad ugu eg midabka samada, taas oo uu uga dan leeyahay in aan indhaha cadowgu arki karin diyaaradaas.

SomlegalAds

Sidoo kale waxa uu diyaaradan ka dhigay mid ka duwan habka loo sameeyo diyaaradah qumaatiga u kaca, ee marwaxadoodu ka kooban tahay afarta dhinac, halka uu isagu diyaaradiisa ka dhigay mid leh laba Marwaxadood oo kaliya, taas oo ka fududaysay qiimo badan iyo qaab farsamo oo kan ka adag inay ugu kacdo.

Sida jariirada Daily Mail ku warantay qiimaha diyaaradan ayaa ku kacay lacag dhan labaatan milyan oo diinaarka Ciraaq ah, taas oo u dhiganta, sadex iyo labaatan kun oo dollar, hasa yeeshee qiimo ahaan waa mid aad uga jaban diyaaradaha helikobtarada ah ee ay adeegsadaan ciidamada Ingiriiska iyo kuwa Maraykanka ee ka hawl gala dalalka Afghanistan iyo Ciraaq oo adeegsada diyaaradaha loo  yaqaano Apathy, oo qiimaha halka diyaarad  ah ee helikobtarka ah la siiyo labaatan milyan oo dollar.

Khabiirkan reer Ciraaq ayaa ku tala jira in wakhti kooban uu ku sameeyo diyaarado tiro badan oo kuwa qumaatiga u kaca ah, isaga oo tilmaamay in aanu wax hub ah ku rakibi doonin, balse uu ugu samayn doono, qalabyo kala duwan oo kamarado iyo waxyaabaha meelaha fog wax lagaga arkaa ku jiraan.

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Ciraaq ayaan lahayn wax diyaarado ah oo ay hawlahooda u adeegsadaan, waxaanay xaduudaha kala duwan ee dalkaasi la wadaago, waddamada Suuriya, Turkiga, Sucuudiga, Kuwait, Urdun iyo Iiraan, sida  jariirada Daily Mail sheegtayna aad ayay ciidamadu ugu baahan yihiin inay helaan diyaarado ay ku hawl galaan.

Mar la waydiiyay ninkan sababta uu diyaaradiisan ugu doortay midabkeeda buluuga ah, waxa uu tilmaamay in taasi ku dhalatay ka dib markii uu dhinacyo badan ka xaqiiqsaday sida ay diyaaradahani isaga qarin karaan cadowgooda, midabkaas oo run ahaantii aanay indhuhu qaban karin, laakiin mar la waydiiyay in Radarada qaban karaan, waxa uu sheegay in diyaaradahani aanay ahayn kuwo dagaal loogu tala galay, haddii loo baahdana uu farsamo ahaan u samayn karo adeegyo kale oo ay cadowga kaga dhuuman karaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.