WorldRemitAds

Boocame, Somaliland, May 25, 2018 (Saxafi) – Khasaare baaxad leh ayaa shalay ka soo gaadhay Maleeshiyaad isa soo urursaday ee Dawladda Federaalka Somalia, kuwaas oo subaxnimadii hore ee shalay Khamiistii dagaal ku soo qaaday ciidamada Qaranka Somaliland ee difaaca kaga jira jiidda hore ee xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Dagaalkan oo ahaa mid lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ayaa sida wararka ugu dambeeyay sheegayaan ay jiraan khsaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawac ah oo loo geystay Maleeshiyaadka Somalia, halka dhinaca kalena ay ciidamada Somaliland soo gaadheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo sida la xaqiijiyay aan aad badnayn.

SomlegalAds

Hase yeeshee, ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sida la sheegay ku guulaystay inay gubaan isla markaana fadhiisaan Taangigii labaad ee ay maleeshiyaadka Somalia ku soo dagaal galeen, iyadoo hore gacanta loogaga dhigay taangi dagaalkii toddobaadkii hore ay ku soo qaadeen ciidanka Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, waxay ciidamada Somaliland gacanta ku dhigeen siddeed gaadhi oo isugu jira kuwa tignikada loo yaqaan iyo kuwa saanadda xambaara oo ciidamada lagu daadgureeyo.

Maleeshiyadda Somalia ayaa ciidamada Qaranka waxay shalay ka soo weerareen saddex aag, kuwaas oo gebi ahaanba lagu jebiyey, isla markaana ay ciidamada Somaliland gacanta ku dhigeen saddexdii saldhig ee ugu waaweynaa oo kala ah God-Qaboobe, Falidhyaale iyo Garac-lagu-dhal.

Waxa kale oo warku intaas ku daray in Ciidamo ka tirsan deegaanka Tukaraq ay Maleeshiyadda Somalia isku haleeleen meesha la yidhaahdo Yoocada halkaas oo dagaal qadhaadhi ku dhexmaray, iyadoo ilaha warkan laga helay tibaaxeen in maleeshiyadda Somalia ee goobtaas weerarka ku soo qaaday ay la socdeen ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo lagu magacaabo Saracen

Sidoo kale, waxay wararku sheegayaan maxaabiis ilaa kontomeeyo gaadhaysa gacanta lagaga soo dhigay, kuwaas oo uu ka mid ahaa Taliye ku-xigeenkii ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Jeneraal Muxiya-diin.

Waxa kale oo ay warar xog-ogaal ahi sheegayaa in ilaa 7 gaadhi oo tikniko ah laga gubay dhinaca Maleeshiyadda Somalia, halka sidoo kale gaadiid saad u sidday ciidamada Somalia iyagana la gubay intii aanay gaadhin halkii ay ku ogaayeen maleeshiyadooda oo ay dagaalka kula wareegeen ciidamada Qaranka Somaliland.

Dhinaca ciidanka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay in khasaare ka soo gaadhay gaadhi tikniko ah oo qoriga Shilkaha la yidhaahdo saaran yahay, kaas oo ay ciidamada Somaliland kaga qabsadeen dagaalkii ay maleeshiyadda Somalia ku soo qaaday 15kii bishan May, kaas oo warku sheegayo inaanu qorigu waxba noqon balse khasaaruhu soo gaadhay gaadhigii uu saarnaa.

Warar kale ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qayb-qaateen ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah ee loo yaqaan Saracen oo fadhiisimmo ku leh Puntland, kuwaas oo maxaabiista la qabtay ayaa qaar ka mid ahi ku jiraan, halka gaadiidka la qabsaday ay ku jireen gaadiidkii ciidamada Saracen ee calooshood u shaqaystayaasha ah.

Halkan kaga bogo sawirada qaybo ka mid ah gaadiidkii dhinaca maleeshiyadda Somalia laga qabsaday iyo kuwii laga gubay labadaba.

Muxiyadiin Aw Muuse, Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Maamul-goboleedka Puntland oo shalay lagu qabtay dagaalkii Somalia ku soo qaaday Somaliland
Fadhiisinka cusub ee la sheegay in Ciidamada Somaliland ka samaysteen Garac-Lagu-Dhal

 

Kaarihii ama Taangigii labaad ee Maleeshiyada Somalia oo shalay dagaalka lagaga gubay
Hub iyo Gaadiid Milateri oo shalay dagaalka lagaga qabsaday Maleeshiyada Somalia oo ay Somaliland soo bandhigtay
Gaadiidkii Saracen ee lagaga qabsaday dagaalkii shalay ay ku soo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland
Gaadiidkii Saracen ee lagaga qabsaday dagaalkii shalay ay ku soo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland
Qaar ka mid ah Maxaabiista Maleeshiyadda Somalia ee dagaalkii shalay ay ciidamada Qaranka Somaliland ka qabteen oo afuro lagu siinayo Oog

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.