WorldRemitAds

Brussels, Belgium, July 17, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogeysay shirka Somalia uga furmay dalka Belgium, kaas oo uu khilaaf hadheeyay.

Shirkan oo dhinacyadda Somalia ee ka qayb-galay laftoodu isku khilaafeen, ayaa Madaxtooyadda Somaliland war ay ka soo saartay ku sheegtay inaanu khusaynin. “Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

SomlegalAds

Sababta

Warar labadii maalmood ee ugu danbeeyayba la isla dhexmarayay, Isla markaana maamulka Somalia aad u buunbuuniyay ayaa sheegaya in Wefti ka socda Somaliland oo uu qayb ka yahay Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka “UCID”, ay gaadheen Axadii magaaladda Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka, iyadoo uu ka tagay magaalada Hargeysa, xarunta Somaliland.

Faysal ayay wararkaasi sheegeen islamarkaana ka soo dhex muuqday shirka Brussels ee loogu magacdaray “Somalia Partnership Forum” kaasoo ay martigelinayaan saaxiibada beesha caalamka iyo dalalka deeqbixiyaasha ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo ugu yaboohi doona dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Madaxda maamul goboleedyadda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa iyana goob jog ka ah shirkaas.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID weli kama uu jawaabin warkan. Ka sokow farriinta madaxtooyadda Somaliland.

Khilaafka Hadheeyay Shirka

Axmed Madoobe oo lagu lad-qabaynayo inuu Shirka Somalia uga furmay Brussels dib ugu soo laabto, kadib markii uu ka baxay

Ka dib markii Axaddii doraad July 15, 2018 wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland si ku talo gal ah, Hab maamuus madaxda maamulada dalkaas la siinayey mid ka duwan uu kala kulmey garoonka diyaardaha magaalada Brussels, islamarkaana uu garoonka kaga tagay sidda wargeyska Saxafi baahiyay doraad dhigiisa maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa wafdiga uu hogaaminayey Madaxweynaha Jubaland waxaa uu diidey Hotekii loogu talagalay martidii ka socotey madaxda Soomaalida, waxayna dageen Hotel la yidhaahdo Radison Blue.

Wufuudda ay kala hogaminayeen Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland oo isku diyaarad ku tagay magalada Brussels ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaardaha Brussels waxaa loo sheegay in hab-maamuuska VIP loo diyaariyey oo kaliya Cabdiweli Cali Gaas isagoo meesha markaas kaga tagey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland Axmad Madoobe iyo xubnihii kale ee la socdey kuwasoo ay ku jireen Wasiiradiisu. Axmed Madoobe ayaa war uu ku baahiyay shabakad maamulkiisu ku leeyahay Twiterka waxaa uu ku sheegay in aanay ka qayb-galayn shirka, maadaama bay yidhaahdeen la badalay ajandihii shirka, Islamarkaana hoos loo dhigay habka maamuuskoodda. Shalay oo shirku furmayay waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagaga ergeeyo arrintan, iyaddoo masuuliyiin ka tirsan madaxda Midowga Yurub ay la xidhiidheen Axmed Madoobe si ay ugu qanciyaan inuu shirka ka qaybgallo.

Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa waxaa u dhexeeyey khilaaf xoogan ka soo sababey in dhowaan garoonka diyaardaha Kismaayo laga celiyo abaanduulaha ciidamada Soomaaliya xilli uu damacsanaa in magalada Kismayo ka dago.

Jubaland ayaa ku eedyneysa Villa Soomaaliya faragalin siyaasadeed iyo in qaar ka tirsan gobolada maamulkoodu ka arrimiyo ay geeyeen Hub iyo Saanad ay dawlada Federaalka sheegtey iney siisey ciidamo ku sugan gobolka Gedo.

Maamulka Jubaland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegey in xogo hay’adahooda sirdoonku heleen ay xusayaan in hubkaas iyo saanada ciidanka oo isugu jirta raashin, rasaas iyo Dareyska ciidanka dawlada Federaalka gaysay gobolka Gedo gacanta u gashay ururka Al Shabaab.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.