WorldRemitAds

Jeddah, Saudi Arabia, July 28, 2018 (Saxafi) – Khilaaf ka taagnaa daabulka dadka Soomaalida ah ee sannadkan soo gudanaysa waajibaadka Xajka ayaa ugu dambayntii laga gaadhay xal.

Wasiiru-dawlaha Wasaarrada Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Soomaaliya ahna ku-simaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa sheeegay isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Arabia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaalida ah ee guda-naya sanadkan waajibaadka Xajka.

SomlegalAds

Wasiirka ayaa sheegay in Shan Shirkadood ka shaqeyn doonaan soo qaadista xujeyda Soomaalida, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay hadaba bilaabay howlahoodii shaqo. ‘’Sanadkan wuxuu uga duwan yahay sanadihii hore shirkaddaha ayaa si buuxda u maamuli doona howlaha xajka, halka kaalinta xukumadda-na ay noqon dooto oo kaliya kor joog-teyn oo kaliya” ayuu yidhi Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Wasiiru-dowlaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya siyaasadey-neyso arrimaha Xajka, isaga oo intaa ku daray in madaxda ugu sareysa dalka dadaal badan ku bixiyeen sidii ay xujeyda Soomaalida ahi u tagi lahaayeen sanadkan xajka.

‘’Waxaan rabnaa in si hor dhac ah u sheeg-no in hadda wax walba soo dhamaadeen, dhawaanna xujeyda tagi doonaan dalka Sacuudiga, waxaan beeni-neynaa wararka leysla dhax-marayo ee ah in dowladdu siyaasadey-neyso arrimaha Xajka, waxaan cod dheer ugu sheegey-naa xujeyda Soomaaliyeed in ay tagi doonaan sanadkan Xajka’’ ayuu yidhi Cabdi Xakiin Xassan Ashkir.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili warar madax-bannaan sheegayaan in uu jiro wali khilaafka dhinaca shirkaddaha ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, taasoo dib u dhac ku keentay waqtigii looga bartay in xujeyda Soomaalida ahi tagaan dalka Sacuudiga.

Khilaaf ka taagnaa Daabulka

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.