WorldRemitAds

Xukuumadda Muqdisho iyadoo ka warqabtay in Djibouti iyo Calatariya ay ciidanadoodu isku hor fadhiyaan xadka u dhexeeya labadooda dal khilaafka Djibouti iyo Eritrea ee arinkaasina weli taagan yahay oon laga heshiinin waxay ahayd gef in Farmaajo uu ka dego Asmara uu heshiis la soo galo isagoo sheeganaya inu wakiil ka yahay dad toban malyuun gaadhaya oo 100% soomaali ah. Ugu yaraan waxay ahayd inu wargeliyo ama la sii tashado Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelleh oo mar kasta dawladihii Muqdisho ee kala dambeeyay garab iyo gaashaan u ahaa gaar ahaan wakhtiganna ciidamada Djibouti ay qayb ka yihiin ciidamada AMISOM weliba ay yihiin kuwa keliya ee soomaalida ah oo ay u hureen naftooda sidii Somaliya nabad loogu soo dabaali lahaa dawlad dhexe oo awood lehna u yeelan lahayd, in kastoo taasi aanay madaxda Muqdisho muhiim la ahayn ee waxa ku filani uu yahay uctiraafka iyagoon jirin ay ka haystaan bulshada caalamka. Djibouti waxay si joogto ah tababar u siisaa ciidamada kala duwan ee Somaliya.
Hadaba Talaabadan Farmaajo uu qaaday marka dhinaca soomaalinimada laga soo eego waxa loo arki karaa gef taariikhi ah laakiin Madaxwayne Farmaajo oo aan ahayn siyaasi bisil oo aragti fog waxa laga yaabaa in aanu isagu sidaa u garan karin.
Beryahan dambe waxad moodaa inu socday shirqool ka dhan ah dalka Djibouti oo laga yaabo inay dabada ka riixayaan dawlado waawayn oo Maraykanku kow u yahay kaas oo laga yaabo inu salka ku hayo mashaariicda iskaashiga dhaqaalaha ee Dawladda Shiinuhu ay qaaradda Afrika ka waddo oo Djibouti lafteeduna ay ka mid tahay dalalka maalgashiga Shiinaha aqbalay ee weliba saldhiga milatarina u ogolaaday. Taas oo aynu ognahay inu Maraykanku ka biyo diiday masuuliyiin sarsare oo ka tirsanina ay iska daba mareen in arinka Shiinuhu ka wado Djibouti uu saamayn toos ah ku yeelanayo danahooda istraatajiga ah.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh waxay tahay iswaydiintu sidee ayuu u saamayn karaa Somaliland khilaafka soo kala dhexgalay Djibouti iyo Muqdisho?
Marka hore warwarka ugu wayn ee Djibouti maaha Somaliya ee waa Calatariya oo muran dhinaca xadka ay wadaagan ka dhexeeyo gaadhayna mar hore in dagaal dhex maro. Dhinaca milatariga labada quwadood ee Djibouti iyo Calatariya maaha laba isu dheeli tiran hadii dagaal ka dhex qarxo markaa Djibouti ma haysato quwad ay iskaga caabiyi karto marka ay keligeed isku tashato laakiin haddii ay Somaliland is fahmaan arintu markaa si kale ayay noqon kartaa waayo Somaliland waa dalka keliya ee soomaaliyeed ee xuduud dhul la leh dalka Djibouti markaa hadii amniga qaran ee Djibouti ay Calatariyi haddiddo ama xaaladdu ka sii darto Somaliland si dhib yar ayaa muddo kooban looga abaabuli karaa ciidan soomaaliyeed oo konton kun ilaa boqol kun tiradiisu ay gaadhi karto inta ugu badanina ay Somaliland yihiin. Markaa Djibouti marka nabadgelyadeed la haddido kaadhka ugu culus ee ay soo dhigi kartaa waa Somaliland xataa haddii ay kelifayso inay aqoonsato heshiis dhinaca nabadgelyada ahna la gasho oo gaadhi kara inay wada yeeshaan cudud milatari oo midaysan.
laakiin dhinaca kale lagama yaabo in muranka xadka ee Djibouti iyo Calatariya uu xalku noqdo milatari waayo wuxu saamaynayaa gobolka oo dhan markaa Itoobiya oo ah dalka ugu awoodda badan dad ahaanna ugu tirada badan labada dalbana xad la wadaagta waxa dan u ah nabadgeyada iyo xasiloonida gobolka xil gaar ahina wuu ka saaran yahay. Sidaa daraadeed waa suurtogal in ugu dambaysta sidii khikaafka labada dal xal nabad ah loogu heli lahaa ay ka shaqayso.
Laakiin tu walba waa lagu talogalaa Soomaaliduna waxay tidhaa lafba lafta xigta ayaa lagu kabaaye mar kasta dawladda Djibouti waa inay madaxa ku haysaa xoog iyo cudud soomaaliyeed in Somaliland ay tahay ta ugu dhaw ay haysato.
Marka aynu eegno isbedelada xaaladda gobolka ka socda iyo sida ay maanta tahay siyaasadda ariimaha dibadda ee Somaliland way kala fogyihiin oo waxad moodaa in aanay khusayninba arimaha ka socda gobolka, iska daa cid kale eh xataa xidhiidhkii waddamada jaarka ayaan sidiisii hore ahayn oo ay muuqataa in hoos u dhac waynu ku yimi. Haddii aan wax laga bedelin Wasaaradda Arimaha Dibaddu heerka ay maanta joogto wax badan ayaa Somaliland laga yaabaa inay ku seegaan
Mujaahid Cali Gurey

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.