WorldRemitAds

Rubuc-qarni kaddib geedi-socodka nidaamka Dimuqraadiyadda iyo ku-dhaqanka Dastuurka waxa caqabad weyn ku ah khilaafka ka taagan saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamanka la soo doorto, waxaanay taasi madmadow gelisay daah-furnaanta iyo dheeli-tirnaanta siyaasadda dalka.

Mudaneyaasha Golaha iminka jooga ayaa waxay kuraasta fadhiyaan wakhti ku siman 14 sannadood oo xidhiidha,laga soo bilaabo bishii October ee sanadkii 2005-tii, taasoo ka dhigan inay mar saddexaad dhamaysanayaan muddo-xileed aan sifo sharci ah lagu soo dooran, si weynna loogu dhaliilsan yahay Xildhibaanada.

SomlegalAds

In kasta oo kama dambeystii qabsoomida Doorashada Golahan loo muddeeyey badhtamaha sanadka soo socda, haddana waxa jira caqabado kala duwan oo horyaalla suurtogalnimada Doorashadaasi, uguna culus yahay Khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta ee Gobolada dalka oo saameyn siyaasaddeed iyo mid sharciba ku yeellanaya rejjada laga qabo qabsoomideeda Doorashadaasi.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa siyaasi ah oo ka faalooda arrimaha geeska afrika, ayaa ku doodday in sii joogista Mudaneyaasha Golaha Mushkilad ku tahay Qaranka, isagoo saluug badan ka muujiyey mustawaha uu ku furmay Kal-fadhigan u dambeeyey golahaasi.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye oo siddeedii sannadood ee u dambeeyey talada hayey, ayaa todobaadkan lagu eeddeeyey inay Dabada ka riixayaan qorshe la doonayo in mar kale Golaha lagu soo doorto nidaamkii hore loogu saleeyey saami-qaybsiga oo ay gobolada qaarkood cabasho xoogan ka qabaan.

Cabdikariin Muuse Maal waa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal, waxa uu ka digayaa in Doorashada Baarlamanka lagu galo sidii hore, Xukuumadduna dabada ka riixayso arrintaas.

Laakiinse Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa meesha ka saaray jiritaanka Qorshe Madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyay Goleyaasha Xeer-dejinta oo ku saabsan arinta Saami-qaybsiga.

Wasiir Muumin ayaa masuuliyada hirgelinta sharci xal loogu helo muranka Saami-qaybsiga dusha u saaray Mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Saleebaan Kalshaale, Gobanimonews.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.