WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 2,2015 (Saxafi) – Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray), ayaa sheegay in raggii ugu wanaagsanaa ee waxqabadka xukuumadda ku suntaanaa ay iskaga tageen xukuumadda, isla markaana si weyn u naqdiyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Cali-GureyCali Gurey oo shirjara’id ku qabtay xarunta xafiiskooda ayaa sheegay in marka uu Guddoomiye Muuse laga reebo musharaxiinta kale uu usoo jeesan doono dhinaca UCID oo uu dalban doono in isna Jamaal Cali Xuseen laga reebo.

Ugu horeyn Cali Gurey ayaa ka hadlay qabsoomidda ciyaarihii gobolada oo sideed kooxood iskugu soo hadheen, waxaanu yidhi “Waxaanu aad uga xunnahay in xukumadani suuro galin kari wayday inay qabato ciyaarihii gobollada. Dhalinyaradii, maamuladii iyo dadkii ku hawlanaa oo dhan waxay noqotay in la soo lugooyo uun. 8 kooxood oo ay ahayd markay bari iyo galbeed ka soo dhammaadaan inay Hargeysa yimaadaan, waxaa la ii sheegayaa tiimkaygii Xaysimo oo kooxda aan taageersanahay ahaa bilaa sahay kaga baxayo Hargeysa, oo halkay tagayaan, xuduuda Puntland, magaalada Taleex. Habqankaas ayay ku baxayaan dhalinyaradii iyo kooxihii la soo lugooyay,”

SomlegalAds

SIdoo kale waxa uu Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in wasiiradda iscasilay gilgileen qaranka Somaliland, isla markaana wasiiradaasi ka tagay xukuumadda ku tilmaamay inay ku suntan yihiin waxqabadka xukuumadda, waxaanu yidhi “ Khilaafka xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye wuxuu gilgilay Qarannimada Somaliland, wuxuu gilgilay amniga Somaliland, wuxuu khatar galiyay kalsoonidii aynu ku qabnay in dalkani gaadhi karo doorashooyin xor ah oo xalaal ah.Waynu ognahay oo dawladdu way duntay, raggii ugu ad-adkaa ee shanta sanno soo dhisayay degmo ilaa madaxtooyada oo waxan imika jira oo dhan ba iyagu dhisay ayaa mar kaliya is wada casilay markii la yidhi sandulle ku raaca Muuse Biixi. Horta ninka(Xirsi) kaliya ee diiday ee sida anigu aan warka ku hayo odayga ku yidhi raaci mayno waan hambalyaynaya.”

Ugu dambeyntii Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in marka uu Muuse Biixi ka soo dhex baxo xisbiga kulmiye usoo jeesan doono xisbiga UCID oo uu dalban doono in arrimo reernimo uga tanaasulo Jamaaal Cali Xuseen, waxaanu yidhi “ Aroorta haddana waxaydun arki isagoo(Muuse Biixi) reero shirinaya oo leh Jamaal Cali Xuseen isku reer baanu nahay oo wuu I ridayaa, hadda waa ninkii saddexda sanno ka horeeyay ee musharaxa ahaa, ka aqoon badan, khibrad badan oo ka daacadsan,caddaaladda reerkayagana waan aqaanoo, mujaahidka ha loo daayo ayay odhan doonaan, waar Mujaahidka sawniga anigu jooga, anigaa Muuse jabhadda qoraye, markaa meel uu u soo maro musharaxnimo ma taal,”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.