WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 26, 2017 (Saxafi) – Waxaa shalay si rasmi ah xal looga gaadhey murankii ka taagnaa doorashadii guddoomiyaha golaha Wakiilada ee Somaliland.

Guddoomiyaha xibsiga Waddani ahna musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa saxaafadda kula hadley gurigiisa isaga oo ay garabihiisa taagan yihiin labada nin ee isku hayey natiijadii doorashada Baashe Maxamed Faarax oo ka socdey xisbiga Kulmiye iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo Waddani taageersani.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku adaysanayay in ninka codka badan helay uu ahaa Cabdiraxmaan Talyanle oo Waddani ka socdey, laakiin natiijada lagu dhawaaqey ay ka duwaneyd oo ahayd in uu guuleystey Baashe Maxamed Faarax.

SomlegalAds

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in golaha wakiiladu aanu qaadan karin muran daba dheeraada, sidaas darteed Waddani ahaan ay tanaasuleen una tanaasuleen Baashe Maxamed Faarax oo guddoomiyaha rasmiga ah ay u aqoonsan yihiin.

Doorashadii bilowgii bishan 6-dii August dhacdey ayaa lagu kala baxay hal cod oo ah 39 cod iyo 38 cod, taas oo marka hore ku guulaystay laguna hanbalyyeeyay Baashe, balse markii danbe Xisbiga Waddani muran geliyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.