WorldRemitAds

Khubarada Cimilada adduunka kuwooda ugu caansan ayaa mucjiso layaab leh kala kulmay, codad ama dhawaaqyo masiibooyinka dabiiciga ah ku dhex jira ama ay ka dhex maqleen kuwaas oo sida digniinta oo kale ka dhigan, haddii si wayn loo daraaseeyana ay suura gal tahay in lagaga badbaado dhibaatooyinka ka dhasha duufaanada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Culimada baadhitaankan sameeyay ayaa cadeeyay in marka duufaanadu dhacayaan ee ay masiibo dabiici ah isku badalayaan, ay ka samaysanto hawada qabow iyo ta kulul ee xaga sare, kuwaas oo marka ay is duqeeyaan sameeya waxa Somalidu ugu yeedho cir tobta xooga u socota taas oo ugu danbaynta isku badasha duufaan masiibo dabiici ah dhasha.

Laakiin waxa taas ka xiiso badan in baadhitaankoodan ay ku ogaadeen dhawaaqyo iyo codad kala duwan oo wakhtigaa ka samaysma kuwaas oo aad uga duwan codadka kale, sida danabka iyo hilaaca ama gaydha roobka ee ka soo horeeya, waxaanay culimadani baadhayaan sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen, isla markaana ay u heli lahaayeen goobta iyo wakhtiga duufaantu masiibada isku badalayso.

Dhawaaqyadan ay khubaradu maqleen oo ay ku dhagaysteen aalado ama qalab kala duwan oo codadka soo dhaweeya, waxay rejaynayaan inay gaadhaan heer dhegta caadiga ah ee aadamigu maqli karto, si looga gaashaanto khasaaraha balaadhan ee duufaanada iyo masiibooyinka dabiiciga ah ka dhasha.

Codadkan ay maqleen khubaradu ayaa ku noqday shay layaab leh oo soo jiita dareenkooda, waxaanay aad ugu rejo wayn yihiin inay guul ka gaadhaan taas oo ay danaynayaan in badbaado iyo digniin ay u noqoto aadamiga sida ay ku doodayaan, taas oo ay sii wadi doonaan dabo galkeeda iyo sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.