WorldRemitAds

Berbera, Somaliland November 22, 2015 (Saxafi) – Khubaaro ka socota shirkad macdaneed oo fadhigeedu yahay dalka isu-taaga Imaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay maalimihi u dambeyey sahamin iyo sawiro ka qaadayeen deegaano ka mid ah gobolka Saaxil, kuwaas oo ka baadhayey macdan.

Deegaanka ay baadhitaanka ku samaynayeen khubaradani sida warku sheegay waxa ka mid ahaa Xeedho, Biyo Guure, Ceelberde oo xeebta bari ka xigta magaladda Berbera ee gobolka Saaxil ah.

 Drone for hunting MineralsXukumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal ujeedadda khuburadan ka socda shirkadda macdanta ee sahaminta wadda, hase yeeshee, ilo xog ogaal ah oo ku sugan gobolka Saaxil ayaa u xaqiijiyay wergeyska Saxafi in khubaradan dhinaca macdanta ahi ay u badnayeen Injiineero ka mid ahaa wefti carbeed oo ka socday dalka UAE, kuna sugnaa muddo shan maalmood ah gobolka Saaxil. Waxaana ay ilahani sheegeen in sahamin balaadhan ay ka sameeyeen, iyagoo adeegsanaya qalab casri ah sida diyaaradaha bila duuliyaha ah ee loo yaqaan DRONE-ka, laakiin sawirada uun qaada.

SomlegalAds

Waxana ay khuburadu sawiro sahamineed ka qaadeen degmooyinka Xeedho oo 35 km galbeed ka xigta magaladda Berbera, Biyo Guure iyo Ceelberde oo xeebta bari ka xigta Berbera. Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa isagu wakhti xaadirkan dalka ka maqan, sidoo kale, nooma suurogalin inaanu masuuliyiinta wasaaradda macdanta iyo tamartu ay tafaasiil ka bixiyaan khuburadan oo aan iyaga qudhoodu wax tibaax ah bixinin.marka laga yimaado dadka la socda dhaqdhaqaaqoodda ee Saxafi u waramay,.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.