WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 13, 2015 (Saxafi) – Khubaro ku xeeldheer arrimaha deegaanka ayaa saadaaliyay in mustaqbalka Somaliland isku bedeli doonto lama degaan ama saxare haddii aan si degdega loo dabaqabatayn oo aan wax looga qaban xaaladaha ba’an ee ku habsaday deegaanka.

Khubaradan ayaa sheegay in si xawliya ay u socoto dabargoynta dhirta, isla markaana ay gumaadayaan dhagarqabayaal ku mamay ka ganacsiga dhirta oo ay dhuxul ka shidaan, taas oo ay u iib keenaan suuqyada.

Waxa kale oo ay xuseen in dhirtu ay deegaanka u leedahay faa’iidooyin farabadan oo waxtar weyn u leh dad iyo duunyadaba, waxaanay intaa ku dareen in dhirtu ka qayb qaadato roobabka oo dhirtu ay soo jiitaan daruuraha roobka.

SomlegalAds

Sidoo kale waxay sheegeen in haddii aan si degdega loo badbaadin dabargoynta dhirta ay Somaliland deegaano badan oo ka tirsani ay mustaqbalka isku rogi doonaan lama degaan aan nololi ka jirin.

Semi-desertDhinaca kale xilliyadii dawladihii hore ee Somalia ay Somaliland ka tirsanayd ayaa sharci adag ku fulin jiray cida lagu qabto dhir ay gooyaan, waxaanay taas ku mudane jireen xadhig iyo ganaax, balse mudadii Somaliland jirtay haqab la’aan loo gumaaday dhirtii manaafacaadka lahaa oo dhuxulaysatadu shideen, sidaas darted waxaa loo baahan yahay in talo qaran laga soo saaro sidii loo badbaadin lahaa, isla markaana wax looga qaban lahaa aafada deegaanka ku habsat0ay.

Dhanka kale wasaarada Deegaanka Somaliland ayaa muddadii ay wasiirka ka ahayd marwo Shukri Xaaji Baandare ay talaabooyin qaaday wax lagaga qabanayo xaaladaha deegaanka, iyadoo dhawaana Hargeysa lagu qabtay shir lagaga hadlayay arrimaha deegaanka, kaas oo ay ka soo qaybgaleen ururo caalamiya iyo dalal Afrika ku yaala.

Wasaaradan ayaa dedaal ugu jirta sidii ay wax uga qaban lahayd duruufaha ku gedaaman deegaanada Somaliland ayaa u baahan dhaqaale wax lagaga qabanayo, isla markaana suurageliya inay socdaalo ku maraan deegaano faraban.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.