WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 12, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada, Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, oo u tartamay mansabka Musharaxa Madaxweyne ku-Xigeenka KULMIYE, balse sida ay ku dhawaaqeen shirguddoonkii Golaha Dhexe ee KULMIYE uu ka guulaystay Madaxweyne ku-xigeenka wakhtigan Cabdiraxmaan Saylici, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijadii codka ay labada tartame kala heleen, waxa uu madasha ka jeediyay hadal bulshada intii badnayd ee dhegaysanaysay qalbiyadooda ruxday, isla markaana qaarkood ilmeeyeen, waxaanu Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye hadalkiisa uu Salaasadii ka jeediyay shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee la sheegay inay intooda badani ka codeeyeen uu u sheegay in sii wadi doono hankiisa siyaasadeed iyo raadinta Midnimada Somaliland, , waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxaan u hambaliyeynayaa Musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, waan tartamayey waana la iga guulaystay, laakkin guul daradu mar bay guul tahay, aniga oo u hambaliyeynaya Madaxweynaha oo ah aasaasihii Xisbiga Kulmiye waxa aan ka codsanayaa inuu dhiirigeliyo in dib loogu noqdo hab nidaam doorasheedka Xisbiga, oo u baahan in aad loo horumariyo khaladaad badanina ay iska jiraan, dhaliilo badana ay ka jiraan,in nidaamka wax laga badalo anigu han siyaasadeed ayaan leeyahay, waxa aan u taaganahay iga go;an midnimada Somaliland,. meel kasta oo aan u mari karo iyo si kasta oo aan ugu guulaysan karo waan sii wadaya insha allaah, nin dhalinyaro ah ayaan ahay mustaqbalkuna waa uu badan yahay, hankayga Siyaasadeed iyo rajada aan ka qabo Jamhuuriyada Somalilandna halkan kuma eeka maanta, waan sii wadayaa  dagaal aad u adagna  waan u sii galayaa”.

Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa mar uu ka hadlaayey labada musharax ee la doortay yidhi “Labada Musharax ee la doortay waxa aan leeyahay tartanku ma dhamaan ee waa bilaw, maanta ayuu bilaamay ee nasiib wanaagsan ayaan idin leeyahay labadiinaba, cidii i dooratay aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa, waa in u danaynaysay midnimada Wadankan, intii iga codaysana waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inuu fahansiiyo midnimada Wadanka looga baahan yahay, waxa aan aad ugu mahadnaqayaa dhammaan taageerayaashayda waxa aan u mahadnaqayaa cidii iga codaysay, guul baana dhammaantiin idiin rajaynayaa, waxaana aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyanayaasha Adduunka inta hal mar intay qaateen ka tagay Mandela ayaa jira, Madaxweynuhu waa qofkii labaad, waxaana u sheegaya Madaxda soo socota ee Somaliland inay ku daydaan Madaxweynaha, wixii intaas dhaafsiisan dib ayaan ugu noqonayaa talo dib ayaana ka soo sheegi doonaa wixii intaas ka badan”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.