WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 15, 2016 (Saxafi) – Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa sharci daro ku tilmaamay gudddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka oo ay magacowday daladda SONSAF ee aan dawliga ahayn.

Guddida doorashooyinku war-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen in aanay awood u lahayn inay magacowdo guddi xalisha khilaafaadka arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay masuuliyadeeda leedahay arrimaha doorashooyinka guddida doorashooyinka qaranku.

War-saxaafadeed ay guddida doorashooyinku ku diidan yihiin guddidaasi magacowday Daladda SONSAF ayaa u qornaa sidan “Gudida doorashooyinka qaranku waxa uu halkan ku cadaynayaa in gudida loogu magac daray gudida xalinta khilafaadka doorashooyinka ee ay ku dhawaaqeen dalada ururada aan dawliga ah ee Ahayn ee loo soo gaabiyo magacooda Sonsaf, sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan tariikhdu markii ay ahayd 08/09/2016 aanay ahay mid ku dhisan sharci.

SomlegalAds

Komiishanka Doorashooyinku Qaranku waxa uu si cad u qayaxayaa inaanay Sonsof lahayn awood sharciyadeed(Maandhayt)oo ay ku abuuri karto gudi xalisa khilaafkaadka doorashooyinka, cida kaliya ee u igman qarankana uga masuul ah in ay xaliyaan khilaafkaad iyo cabashooyinka doorashooyinku waa gudida doorashoyinka qaranka sida ku cad qodobka 14 farqadiisa 7aad ee xeerka(xeerLR.20-2001.

Muranada iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashadu waxa ay leeyihiin hab raac iyo jaran jaro dhamaystiran oo loo raaco xalintooda kana bilaabmata Goobta codbixinta loona gudbiyo xafiisyada heer degmo, heer gobol iyo heer qaran ee gudida doorashooyinka qaranka,waxaanu habracaasi ku dhamadaa maxkamada sare ee dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland.

Habracaasi lagu xaliyo wixii muran ah ee doorashooyinka ka soo baxa waxa si cad u faah-faahinaya xeerarka doorashooyinka sida xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka qodobadiisa 14 farqadiisa 7aad, 49, 53 farqadiisa (4), 57aad (C),59aad (3),62aad (1,2,3,), 64aad (A), 65aad(1,2) iyo si waafaqsan qodobada 46 aad, 49aad(4), 50aad(3),53aad (j), 57aad (f),49aad(c), 61aad(1,2)ee xeerka doorashada golaha waii;lada (xeer Lr 20-2/2015)”.

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii daladda SONSAF ay soo saartay guddi ay ugu magacdartay guddida xalinta khilaafaadka Doorashooyinka, kuwaas oo ay u jireen ururadda Bulshadda rayidka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.