WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November, 16, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland iyo hogaanka xisbiyada ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo culayskooda, maadaama ay sanadka 2017-ka qabsoomayaan doorashada madaxtinimada iyo wakiillada oo isa saar ah, taasi oo ah markii u horaysay ee Somaliland laga qabto.

Kulan shalay ka dhacay Hargeysa oo lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka , kuna aadana doorka Kormeerka doorashada ee Ururada bulshada iyo arrimaha doorashada ayay ka qayb galeen hogaanka daladda SONSAF iyo ururada hoosyimada, xisbiyada qaranka iyo wakiillo beesha caalamka ka mid ah.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa kulanka ka sheegay inay Komishan ahaan diyaariyeen xeerar kasta oo tilmaamaya wada shaqaynta dhinacyada doorashadu khusayso “Doorashooyinku waa shaqo aad u balaadhan. Waa shaqo u baahan inaynu gacmaha is wada qabsanno. Waa shaqo u baahan taxadarkeeda, aqoonteeda iyo wada jirkeeda iyo in la ilaaliyo xeer-nidaamiyeyaasha ay leedahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir oo sheegay inay jiraan xeerar Somaliland leedahay balse ku dhaqankeeda iyo barashadooda su’aali ka taagan tahay, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin la shaqaynta hay’ad kasta oo arrimaha doorashada gacan ka gaysanaysa.

SomlegalAds

sonsaf-45Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna sheegay in doorashadani u baahan tahay tabaabushe badan “Waa doorasho nooceedu inagu cusub yahay. Waxaynu u soo baranay doorasho ama golaha degaanka oo kaliya ah ama golaha wakiillada ah ama doorasho madaxtooyo laakiin, imika waxaa iska keen fuulay oo la isa saaray doorashadii wakiillada iyo madaxtooyada. Waa laba doorasho oo inagu cusub, komishannadeenuna laba doorasho may soo wada qaban, asxaabta qarankuna labadaas doorasho oo isku jira may galin, goobjoogeyaasha maxalliga ah ee bulshada rayidka ahina kamay qayb galin, sidaasi darteed waxay u baahan tahay in diyaar garow aad u badan laga galo,” ayuu yidhi guddoomiye xigeenka Kulmiye.

Guddoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isna walaac ka muujiyay hanaanka siyaasadda Somaliland iyo doorashooyinka soo socda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.