WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 15, 2015, (Saxafi) – Qayb kale oo a mid ah maleeshiyo beeleed ka amar qaadan jiray Suldaan Wabar ayaa isku soo dhiibay ciidamada qaranka ee soohdinta labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Qaybtan oo ka mid ah meleeshiyo beeleedkii ugu dambeeyay ee ka soo goostay Wabar ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa dhawr iyo toban, waxaana soo gelintaankooda dalku ka dambaysay cafis Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey  jabhaddaasi  oo shuruud u ahayd waan-waan iyo wada-hadallo toban maalmood  ku dhawaad u socday xukuumadda Somaliland iyo kooxdaasi hoggaankooda.

Photofile: Sawir Maleeshiyaad Wabar ku biiray Wakhti hore laga soo qaaday
Photofile: Sawir hore laga qaaday Maleeshiyaad Wabar ku biiray

Maleeshiyo beeleedkan oo dalka ka soo galay meesha la yidhaahdo Degmno Laqas ee galbeedka magaalada Boorama, saxaafaddana laga qariyey ayaa waxa ku jira xubno ka tirsnaa hogaanka sare ee jabhadda Wabar, kuwaasoo qaarkood ka sii falaagoobeen mid ka mid ah xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka.

SomlegalAds

In kasta oo aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay ee go’aanka uu wada-hadaladaasi ka qaatay hogaamiyihii jabhaddaasi ee Wabar, hase yeeshee warar ku dhaw dhaw ergooyinka ku hawlanaa wada-hadalada ayaa lagu sheegay in Suldaankaasi weli ka maagayo dib u soo laabashadiisa dalka, ka dib markii asxaabtiisa iyo  taageerayaashiisa u badan qurba jooggu kula taliyeen inaanu  raacin maleesiyadiisa cafiska ku soo galay dalka, balse uu dib ugu laabto dalkii Maraykanka ee uu ku moolaa, mase jiro war rasmi ah oo laga hayo afka Wabar oo ku saabsan masiirkiisa iyo masiirka jabhaddiisa midna.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.