WorldRemitAds

Lagos, Nigeria, November 2, 2014 (Saxafi)-Ururka Boko Haram oo ka dagaalanka dalka Nigeria ayaa beenisay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay xukuumadda dalkaas, isla markaana sheegtay in labaddii boqol ee hablood ee ay afduubteen ay islaameen ka dibna dhamaantood la wada guursaday.

Hoggaamiyaha kooxda, Abubakar Shekou oo cajalad fiidiyow ah sii duubay ayaa sheegay in aanu jirin heshiis xabbad-joojin ah oo ay xukuumadda la galeen, isagoo xusay in hadalkii xukuumadda Nigeria ay horay u sheegtay ku tilmaamay mid been abuur ah.

 “Warka xukuumaddu sheegtay waa been, mana jirto cid aan wadahadallo la galayno,” ayuu yidhi Shekou, isagoo intaas ku daray. “Gabdhihii aan gacanta ku haynay dhammaantood waxay qaateen Islaamka, waxaana u guurinnay dagaalyahannadeenna.”

SomlegalAds

Sidoo kale, Abubakar Shekou wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay dagaallada sii wadi doonaan, isagoo intaas ku daray inay ku taagan yihiin waddadii ay Nigeria oo dhan kaga hirgelin lahaayeen isku-xukunka diinta Islaamka, ayna ku taagnaanayaan waligood.

Gabdhahan ayaa xilligii la afduubayay waxay ku sugnaayeen iskuul ay wax ka baranayeen oo ku yaalla Waqooyi-bari Naigeria, taasoo keentay inay mar qudha dunida oo dhan ka hadasho, inkastoo aan lagu guuleysan in Boko Haram laga soo furto.

Ha’yadaha Xuquuqda Aadanaha caalamka ayaa dowladda Nigeria dhawaan ku eedeeyay inay wax ka qaban wayday gabdhaha ay kooxda Boko Haram ka afduubatay iskuul ay wax ka baranayeen.

Xukuumadda Nigeria ayaa dhawaan sheegtay inay heshiis xabbad-joojin ah la gashay kooxda Boko Haram, ayna rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dadaallo lagu doonayo in gabadhaha afduuban lasoo daayo.

Kooxda Boko Haram oo macnaheedu yahay Waxbarashada reer Galbeedku waa Xaaraan – ayaa waxay dagaallo kula jirtay xukuumadda Nigeria tan iyo sannadkii 2009-kii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.