WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 24, 2012, (Saxafi) – Tartanka loogu jiro kursi uu baneeyay guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee aqalka Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Maxamed Samaale ayaa xalay mashquuliyay aqalka Madaxtooyadda ka dib markii uu soo dhawaaday kulanka loo balansan-yahay in lagu doorto guddoomiye ku xigeenka oo maanta la filayo inuu qabsoomo.

Tartanka ugu culus ayaa waxaa uu waqtiyaddii ugu danbeeyay ka dhex oognaa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax oo isu casilay dhawaan si uu ugu tartamo jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Axmed Haybe (Kacaan).

Mudane Baashe, oo doraad dalka ku soo laabtay waxaa la wariyay inuu taageero ka helayo Dhinaca madaxweynaha oo danaynaya inuu ku soo Jiido beelaha Gobolka Sool oo tabashooyin qaba. Halka  iyo xildhibaan  Ibraahim Axmed Haye (Kacaan) ay ka taageerayaan sidda la sheegay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Maxamed Kaahin Axmed.

SomlegalAds

Warar aanu ka soo xiganay illo u dhuundaloola qasriga Madaxtooyadda Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweyne Siilaanyo ay xalay kullamo la yeesheen laba kooxood oo beelaha Subeer Awal dhalasho ahaan ka soo wadda jeedda, kuwaasoo feker ahaan is diidan.

Koox ka mid ah labadan kooxood ayaa wararka aanu helay waxaa ay tilmaameen in ay Madaxweyne Siilaanyo ku war-geliyeen in beel ahaan ay wataan Xildhibaan Ibraahim Kacaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE. Waxaa la sheegay in kooxdani ay hanaan garnaqsi u muuqday ugu sheegeen Madaxweynaha in aan beeshu ka muuqan muraayadda maamulka dalka. Siddaas darteedna ay goosteen in Xildhibaan Ibraahim Kacaan buuxiyo kaalintii uu baneeyay Mudane Cabdicasiis Sameele oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Maaliyadu. Warku waxaa uu intaas ku daray in kooxdani ay taageerayeen soo jeedin hore ay Gudoomiyaha Kulmiye iyo Maxamed Kaahin Axmed Madaxweynaha ugu gudbiyeen, balse la isku af-garan waayay. Ka sokow dhinacyaddan taageeraya Ibraahim Kacaan, waxaa xogaha aanu hellay tilmaameen in koox kale oo qolladdan hore ka soo horjeedaa ay iyana Madaxweynaha la kulmeen isla xalay, kuwaasoo buriyay doodaas hore loogu gudbiyay Madaxweynaha. Waxaa la wariyay in kooxdan labaad u sheegtay mudane Siilaanyo oo ay ku doodeen in aanay jirin beel arrintaas cid gaar ah u calaamadisay, waxaa kale oo ay doodooda gundhig uga dhigeen sidda la sheegay in aanay jirin sabab loo qabyaaladeeyo arrintan Wakiillada oo Baarlamaanka loo dhex geyn karaa. Siddaas darteed, waxaa la sheegay in kooxdani Madaxweynaha ka codsadeen inuu arrimaha Golaha Baarlamaanka  ka daayo fara-gelinta oo Xildhibaanadu doortaan hogaanka ay doonayaan.

Si kastaba ha’ahaatee, fadhiga maanta loo balamay haddii uu qabsoomo waxa la filayaa in ay ka  hadli doonaan dhawr murashax oo u taagan jagooyinka labada guddoomiye ku  xigeen oo si weyn loogu baahday mudadii ka danbeysay intii Gudoomiye ku xigeenaddu is casileen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.