WorldRemitAds

Warbaahinta dalka Jabaan ayaa in muddo ah ka waramaysay, tiradda sida wayn u kordhaysa ee muslimiinta dalkaas, kuwaas oo sida wararku sheegayaan boqolkiiba sideetan iyo shan ka mid ahi yihiin, muwaadiniinta dhaladka ah ee dalkaas.

Warbaahinta ayaa warbixino kala duwan ka diyaariyay, kuwaas oo u badan waraysiyo laga qaaday dad dhawrkii sanadood ee u danbeeyay qaatay diinta Islaamka iyo kuwo muddo dheer muslim ahaa, waxaanay wararku sheegayaan in boqolkiiba shan ay dhawaan muslimiinta dalkaasi ka noqon doonaan tiradda guud ee dadka ku dhaqan dalka Jabaan.

Haddaba iyadoo laga duulayo korodhka xad dhaafka ah ee Muslimiinta dalka Jabaan ayaa Maamulka caasimadda dalkaas ee Tokyo ay ku dhawaaqeen hirgalinta suuq wayn oo Islaami ah, kaas oo laga samayn doono goobaha dalxiiska ee ugu quruxda badan dalkaas iyo degmadaas.

SomlegalAds

Suuqan ayaa laga hir galin doonaa masaajidka ugu wayn dalkaas, waxa kale oo injineerada Jabaaniisku ay dhisi doonaan, goobo la jaan qaadi doona xaalada Muslimiinta dalxiiska iyo booqashada ku taga dalkaas, waxa kale oo ay dhisi doonaan, suuqyo cuntooyinka xalaasha ah lagu iibsho.

Degmadan cusub ee Islaamiga ah ee Jaban dhisayso ayaa loogu magac daray, (Province Friend of the Muslim), taas oo noqonaysa tii ugu horaysay nooceeda ee laga hirgaliyo dunida, taas oo si gaar ah ay diirada u saarayaan injineerada Jabaaniiska ah iyo maamulka gobolkaas ee hirgalinaya.

Masuuliyiinta sar sare ee dawladda Japan ayaa dadka ku dhaqan dalkaas iyo shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ugu baaqay, inay fahmaan waxyaabaha Muslimiintu jecel yihiin ee soo jiidanaya, in dalkaas ay dalxiis marar kala duwan u yimaadaan, waxa kale oo ay rejaynayaan in suuqyada dunida Islaamka iyo dalkaasi isku xidhmaan.

Gudoomiyaha gobolka Toshiba ee dalka Jaban oo lagu magacaabo, Chiba Masanobu Tanaka, ayaa sheegay in haddii shirkadaha waaweyn ee goboolkaas ku yaala ugu baaqay, inay hirgalinta mashruucan ka wada qayb qaataan, si gobolkoodu u noqdo mid soo jiita muslimiinta.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in Masaajidka ugu wayn dalkaas la hir galiyo, isla markaana la sameeyo suuqyo iyo degaamo u qalma muslimiinta, diin iyo dhaqan labadaba, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay, marka ay raaxo ku helaan u horseedi doona inay marar kala duwan ku soo noq noqdaan dalka Jaban iyo gobolka Toshiba labadaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.