WorldRemitAds

Qof kasta oo Islaam ah, waxa sida diinteenu ina fartay ku waajib ah, inuu barto shan iyo labaatan ka mid ah anbiyadii (Nebi-yadii), Alle u soo diray dunida, waxaanay 25-kaa Nebi ka bilaabmaan Nebiyullaahi Aadam oo ahaa Aabihii aadamiga, waxaanay ku dhamaadaan, Rasuulkeeni Maxamed (NNKHA), oo isagu ahaa Khaatimul Anbiyaa iyo ka ugu khayrka badan dhamaan khalqiga Alle (SW).

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

In kasta oo taariikhda aan lagu wada hayn Rasuuladii Illaahay Aadamiga u soo diray oo dhan, haddana waxa jira Nebiyo tiro badan, oo la inoo sheegay da’dii ay jireen, qoomkii loo soo diray iyo mid walba meeshuu ku geeriyooday.

SomlegalAds
  1. Nebi Aadam (CS), waa aabihii aadamiga, Alle ayaa dhoobo ka abuuray, ka dibna Xaawo oo ah hooyadii basharka ka dhanbalay, waxa uu ku barbaaray Janada, ka hor intaanu Iblays (Nacdali dushiisa ha ahaatee), aanu beenta u sheegin ee aan laga soo saarin, Nebiyullaahi Aadam waxa uu ku geeriyooday dalka Hindiya isaga oo da’diisu kun jir tahay oo kun sanadood ayuu noolaa.
  2. Nebiyullaahi Nuux (CS), waxa uu ahaa Rasuulkii ugu horeeyay ee aadamiga loo soo diro, waxaanu ka mid yahay, Shanta Nebi ee sida gaarka ah Alle (SW) u doortay, Nebi Nuux (NKHA), ayaa qoomkii loo soo diray, dacwada Alle ugu yeedhayay sagaal boqol oo sanadood, laakiin kamay qaadan xaqii oo ugu danbayntii biyo ayaa lagu haligay, sida lagu hayo taariikhda Nebi Nuux waxa uu ku dhintay dalka Imika boqortooyada Urdun Loo yaqaan, waxaanu geeriyooday isagoo da’diisu 950 Jir tahay.
  3. Nebi Saalax (CS), waxa uu ka mid ahaa Rusushii Alle (SW), aadamiga u soo diray, waxaanu Qur’aanka Kariimku inooga waramay qoomkii loo soo diray, dacwadii iyo xaqa Alle sidii uu u gaadhsiiyay iyo sidii ay ugu kufriyeen, Nebi Saalax ayaa Rabi (SW), u soo dejiyay Hashii Mucjisada ahayd, taas oo cibro looga dhigay qoomkiisi, laakiin markii ay Dileen Alle (SW), haligay, Nebi Saalax ayaa ku geeriyooday dalka Lubnaan, isaga oo da’diisu tahay 586 Jir.
  4. Nebi Sakariye, waxa uu ka mid ahaa Rususha Alle ka cabsiga iyo cibaado badnaanta Rabi ku amaanay, Nebi Sakariye (CS), waxa uu geeriyooday isaga oo 207 jir ah, waxaanu ku wafaaday Falastiin.
  5. Nebi Ibraahim, (CS), waxa uu ahaa Rasuul Alle, waxa kale oo uu ahaa Aabihii Anbiyada Alle (SW), Nebiyullah Ibraahim (CS), Illaahay waxa uu siiyay amaan tiro badan, waxaanu ahaa Nebigii qoomkiisu dabka ku rideen ee Alle (SW), si mucjiso ah uga badbaadiyay, waxa uu ku wafaaday degaanka Baabil loogu yeedho oo ka tirsan dalka Ciraaq, waxaanu Nebi Ibraahim Geeriyooday isagoo 195 Jir da’diisu tahay.
  6. Nebi Ismaaciil (CS), waxa uu ka mid ahaa carruurtii Nebiyullah Ibraahim (CS), oo ku riyooday Isagoo Gawracaya, ka dibna ka aqbalay, Illaahayna (SW), ku furtay wan janada laga keenay, kaas oo sababtiisa awgeed la inoogu jideeyay in aynu neef Alle dartii u gawracno Carafada, Nabi Ismaaciil waxa uu ku geeriyooday, dalka Sucuudi Arabiya imika aynu u naqaano, horana loogu yeedhi jiray Xijaaz, waxa uu wafaaday isaga oo 135 jir da’diisu tahay.
  7. Nebi Yacquub, (CS), wuxuu ahaa Nabi qisooyinkiisa Alle (SW), Qur’aanka kariimka inoogu sheegay, oo wuxuu dhalay Nebi Yusuf (CS), wuxuu ku dhintay, dhulka Falastiin, waxaanay da’diisu ahayd markii uu geeriyooday 129 jir.
  8. Nebi Isxaaq (CS), waxa uu isna ku geeriyooday Falastiin isaga oo da’diisu tahay 120 jir.
  9. Nebi Muuse (CS), waxa uu ka mid ahaa Rususha Alle kuwooda ugu fadliga badan ee sida Gaarka ah Alle (SW) u doortay, waa rasuulkii loo soo diray Fircoon oo ahaa ninkii Illaah nimada sheegtay, waxa uu ku geeriyooday degaanka Siinay ee dalka Masar, isaga oo da’diisu 120 jir tahay.
  10. Nebi Yusuf, (CS), waa nebigii walaalihii Ceelka ku rideen Illaahayna ka badbaadiyay shirqoolkii shaydaanku u qurxiyay ee ay la damceen, waa nebigii xabsiga loogu taxaabay been abuur dumar, waxaanu ahaa qofka ugu quruxda badan aadamiga, waxa uu ku geeriyooday Falastiin isaga oo 110 jir da’diisu tahay.
  11. Nebi Ciise (CS), wuxuu ahaa Rasuul Alle, waxa uu ku dhashay Falastiin, waxaanu u dhashay si mucjiso ah, oo Aabe ma dhalin, Alle ayaa ku abuuray Hooyadii Maryama Bintu Cimraan, Nabi Ciise waxa Alle ku soo dejiyay, kitaabka Injiil imikana gaaladu Baybalka ugu yeedho, Muu dhiman Nabi Ciise (CS), oo Alle ayaa koryeelay (Rafciyay), aakhir samankana soo dejin doona, markii Alle (SW), dheelmiyay waxa da’diisu ahayd afartan jir.
  12. Nebi Maxamed (NNKA), Waa Rasuulkii ugu danbeeyay dhamaan Aanbiyada Alle, waana ka ugu khayrka badan khalqiga Alle oo dhan, waa Nebiga ummadiisu ugu badan tahay uguna danbayso basharka, haddana ugu horgelayso janada, waxa uu ku dhashay Maka waxaanu dacwada Alle waday sadex iyo labaatan sanadood, waxaanu wafaaday isagoo 63-jir ah, oo Madina Minawara ayuu ku hoyday.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.