WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, March 16, 2012, (Saxafi) – Akademiyadda nabadda iyo horumarka ayaa shalay  Boorama ka furtay dood ku saabsan sida doorashooyinka golaha deegaanka ee dalka ka dhici doonta ay   saamayn ugu yeelan karaa arrimaha dawladda, dadweynaha iyo dalkaba.

Dooddan oo socon doonta ilaa saddex cisho ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka badan soddomeeyo  qof oo isugu jira Cuqaal, Salaadiin, aqoonyahanno, ururada siyaasadda qaarkood, haween iyo martisharaf kale ayaa hadal uu furitaankii ka jeediyay madaxa waaxda maamul daadejinta ee akademiyadda nabadda iyo horumarka, Maxamed Aadan ku sheegay in doodani tahay tii ugu horreysay ee akadmiyaddu ka bilowdo isla markana la doonayo in lagaga doodo arrimaha dhici kara  doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo waxyaalihii laga faa’iideystay doorashooyinkii golayaashaasi ee dalka hore uga dhacay, isagoo dhinaca kalena xusay in doodani qayb ka tahay barnaamij la doonayo in doorashooyinkaasi ku dhacaan si nabadgelyo ah, lagana sii hortago wax kasta oo carqalad ku noqon kara qabsoomiddooda.

Wakiilka akadimiyadda ee gobolada Awdal iyo Selel Siyaad Diiriye Waaberi oo ka hadlay furitaanka doodan doraad ayaa sharaxay dedaalkii dooddan  loo soo maray qabanqaabadiisa isagoo dhinaca kalena ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay saddexda maalmood ee dooddaasi socoto laga soo saaro afkaar waxtar leh oo faa’iido u yeelan karta doorashooyinkaasi.

SomlegalAds

Qodobada aasaaska u ah doodaan ayaa waxa ka mid ah saamaynta qabiilku ku yeelan karo doorashooyinka golaha deegaanka ee soo socda iyo kuwii horeba, doorka haweenka, golayaashii hore. Waxaana la is weydiinayaa su’aal ah  ma waxa lagu doortay karti iyo hufnaan loo maray nidaam xisbi  mise hanaan qabali ah ayaa lagu doortay.?

Qaar ka mid ah ka qaybgaleyaasha dooddan ayaa sheegay inaanay doorashooyinkii hore wax xiiso ah u lahayn dadweynaha iyo ururadadii waagaasi, balse maanta ay u xiiqsanyihiin sidii mid kastaaba ugu soo bixi lahaa, halka kuwa kalana fikirkooda ku sheegeen inaan la heli doonin Boorama oo kale meel qaadda ama goob qaadda 311 musharrax urur, muraaqibiintoodii, waraaqihii, ciidamadii  iyo masuulyiintii ururadaba sidaa darteedna ay khatar gelin karto amniga dalka iyo doorashooyinkaba. halka kuwo kalena sheegeen in xildhibeenadii waagaas ku soo baxay ee ururadii qortay ee ay daacadda u ahaayeen, balse aanay cid kale oo dadweynaha ahi daba socon.

Dooddan ayaa soo xidhantay shalay oo Jimce ahayd.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.