WorldRemitAds

Djibouti, January 8, 2018,(Saxafi) – Madaxweyneyaasha Labada Dal ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankoodii labaad shalay ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Djibouti.

Kulankan oo ahaa mid lagaga wada hadlay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ayaa qaatay saacado, waxaana markii kulanku soo xidhmay saxaafadda la hadlay wasiirada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Djibouti oo si faah-faahsan uga warbixiyey ujeedada uu daaranaa kulankaasi.

SomlegalAds

Ugu horayn Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isagu ka warbixiyey kulanka labada madaxweyne ayaa ydhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi  Cabdi wuxuu halkan ku yimi, marti-qaad saaxiibtinimo  oo ahayd mid soo jireenna, caadadu waxay ahayd in Madaxweynaha Somaliland inay noqoto waddanka ugu horeeya ee uu yimaado, isagoo ku yimi marti-qaad uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, si wanaagsan ayaa nalloo soo dhaweeyey oo aad iyo aad u qiimo badan, aadna waan uga mahad celinaynaa Madaxweynaha iyo wasiiradiisa, iyo shicibkaba sidii milgaha lahayd ee naloo qaabilay, maanta (Shalay) halkan shir baanu isugu nimi labada madaxweyne ay ku kulmeen iyo wufuudii la socotay labaduba, waxyaabo fara-badan baa laga wada hadlay oo la xidhiidha danaha labada dal, sidii laysaga kaashan lahaa dhinac walba, dhinaca bulshada, dhinaca dhaqaalaha, xagga nabadgelyada laftigeeda, waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha guud ahaanba gobolka nabadiisa iyo midnimadiisa iyo soo dhaweyntiisa si wanaagsan buu shirkaasi noogu dhacay jawi wanaagsana wuu ku dhacay, insha allaah bi-idmillaahi kariim waxaan rajeynaynaa inuu noqdo bilow cilaaqaad kasii xoogsama ama kasii adkaada kii hore aynu lahayn insha allaah”.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf oo isna faah-faahiyey arrimaha lagu soo qaaday shirkaasi ayaa ydhi  “ Madaxweynaha Somaliland booqashada uu ku yimi  Djibouti waxay tilmaan iyo tusaale u tahay horta qadarinta ay labada shacab isu qabaan iyo kolkii la doortay madaxweynaha Somaliland ka dib booqashada ugu horaysa  ee uu dibada ugu baxay inuu ku yimi Djibouti kuna soo booqday, taasi waxay na tusaysaa inuu xidhiidhka labada dal yahay xidhiidh aad u fiican oo mustaqbalkiisuna fiican yahay, siduu walaalkay Sacad sheegayba labada dal waxay doonayaan iskaashi badan inay hirgeliyaan, iskaashigaasina ku adeeg bulsho maahee ku dhaqaale oo fiican ayaa maanta noo muuqda, kolkaa waxyaalo badan baanu wadaagnaa, oo ay ka mid tahay badda, dhulka, iyo ganacsiga, waxa kale oo laga hadlay xuduudaha sidii si fiican laysugu furi ahaa iyo sidii labada dadweyne uga talaabi lahaayeen xuduudahaa waa laga wada xaajooday.

Sidaad ogtahay gobolkeena dhibaatooyin badan baa ka taagan iskaashiga nabada iyo nabadsugida labada dal waa iskaashi loo baahan yahay, la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagaxisaduba, taasina horumarka labada dal ayey qirin-qiir geliyaan oo horumarkaas bay carqaladeeyaan, arrimo kale oo fara badan ayaa imika gudiyadii loo saarayaa oo ay wada fadhiisan doonaan, gudiyadaas qaarba hore u jiray kuwo cusubna waa la abuuray, gudiyadaasina imikay fadhiyadoodii qabsan doonaan, sidaan u arkayo mustaqbalka iyo xidhiidhka labada dal aad buu u fiican yahay mar labaad waxaanu leenahay hambalyo dadweynaha Somaliland oo doorashadan adag si qurux badan oo dimuqraadiyad leh uga soo baxay, hambalyo kalena waxaan u jeedinaynaa dadweynaha mar labaad siday nabada dalkaa u ilaashadaan, nabadaasina aad bay qaali u noqotay gobolkeenii sidaad ogtihiin, dalalka deriska ah dalal badan bay nabadaasi ka maqan tahay, waxaan odhan lahaa Somaliland iyo Djibouti waa laba dal oo deris ah laakiin  hadana wada jir iyo walaaltinimo qaraabo waxyaalo badani u dhaxeeyaan taasina annaga hadii aanu xukuumada Djibouti nahay in aanu xoojino oo hore u marino ayaa noo taalla”.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa waxa hadhimo sharafeed ku maamuusay madaxweynaha Djibouti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.