WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 10, 2016 (Saxafi) – Guddiga Taakulaynta Abaaraha Somaliland ayaa shalay kullan isugu yimid Xarunta Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidaasna waxaa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo u dhignaa sidan : “Fadhigan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kuna weheliyeen wasiiro, Gudoomiyaha hay’adda ka hortagga, aafooyinka iyo maamulaha xafiiska samafalka, ganacsato iyo culimo-awdiinka xubnaha ka ah guddidaas oo fadhigan maanta uu kala qayb-galay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, ayaa ujeedada fadhigu ahayd qiimayn lagu sameeyey habsocodka hawlaha gurmadka abaaraha ee dalka.
Guddigu waxay miiska soo saareen qorshaha goobaha ilaa hada wax lagu qaybiyey, xaddiga raashinka la gaadhsiiyey-goobahaasi, lacagta ku baxday gurmadka la fuliyey, god-daloolooyinka ka yimi, ama ka iman kara taakulaynta la fuliyey ilaa hadda, goobaha aan ilaa hadda waxba la gaadhsiin iyo qadhaanka loo baahan yahay hadda wixii ka dambeeya iyo dhinacyada laga heli karo qaadhaanka.
Rogrog badan iyo aaraah lays-waydaarsaday ka dib iyo warbiximo ku saabsan goobaha wax la gaadhsiiyey iyo sida loo gaadhsiiyey oo la dhegeystay ka dib waxa laysla qaatay:
  1. In ilaa hada sida loo shaqaynayaa ay tahay xilkasnimo, wadaniyad iyo dawladnimo
  2. In sida ugu hufan uguna cadaaladsan lagu wado shaqada wejigeeda labaad ee hadda bilaabmaya, yoolkuna ahaado siday jiiduhu u kala daran yihiin.
  3. In xooga hawlgalka gurmadka ee hada bilaabmaya lagu jiheeyo waqooyiga gobolka maroodi-jeex, iyo qaybo ka tirsan oogadiisa, gobolka Togdheer iyo hawdkiisa, gobolka Sool guud ahaan iyo gobolka sanaag, gaar ahaan dhiniciisa galbeed.
  4. In guddida heer qaran ee madaxweynuhu magacaabay, gudoomiyena uu u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ay tahay guddida sharci ahaan u xilsaaran hawlaha taakulaynta abaaraha ee dalka, cidkasta oo taakulo waddana ay soo wargeliso guddida heer qaran xaddiga taakulada ay waddo, guddiga heer qarana ay u sheegto goobta ugu daran ee la geyn karo, Ururka samafalka ahi, ha ahaado mid waddaniya ama mid dawladeedba ee guddida qaranka xidhiidhin waaya in tallaabo laga qaado. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.