WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, April 21, 2018 (Saxafi) – Hay’addda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa soo afmeertay kuna guulaysatay inay si rasmi ah u dhamayso Khilaafkii u dhexeeyey 24-kii Suxufiyiinta Wasaaradda Warfaafinta ka tirsanaa ee shaqada uu ka joojiyey Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo),  waxaana kulan wasaaradda dhexdeeda lagu qabtay si rasmi ah loog u dhawaaqay in arintasi dhamaatay oo heshiis laga gaadhay.

Kulan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Khamiistii lagu qabtay, kana soo qaybgaleen Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees iyo  Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Xubnaha 24-ka suxufi ee ganaaxa uu wasiirkoodu saaray goob joog ka ahaayeen kulankaasi, waxa wasiirka iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo madasha lagu shaacinaayey dhamayntii Khilaafka wasaaradda warfaafintu halka ka yidhaahdeen kelmado  waano iyo mahadnaqa hay’adda shaqaalaha ee ka odayeysay u badan iyo in aanay Suxufiyiintaasi khaladkii ay galeen oo kale dib loo arag ficilo noocaasi ah maadama oo ay shaqaale dawladdeed ahaayeen.

SomlegalAds

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmarke  Axmed Muxumed Geelle oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ku dhaqanka sharciga, ixtiraamka madaxda iyo ilaalinta milgaha iyo haybada dawladnimada isagoona sidoo kale shaqaalaha u tilmaamay tubta toosan ee loo maro cabashada ama codsiga.

Sharmarke  Axmed Muxumed Geelle  waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Khilaafkii Mudooyinkii u dambeeyey ka dhex jiray Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo gunaanaday, ku dhaqanka sharciga, ixtiraamka madaxda iyo illaalinta haybada dawladu  waa halbeega shaqo wanaaga dalka Somaliland”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo goobta soo xidhay ayaa si diiran u soo dhaweeyey shaqaallihii dhawaan anshax marinta kaga maqnaa wasaaradda isagoona xusay in sharcigu yahay midka guulaystay isla markaana xusay in uu qalbi wanaagsan iyo niyad saafi ah u hayo soo laabashadooda, waxaana wasiirku dhankiisa uu masuuliyiinta iyo madaxda Hay’adda shaqaalaha dawladda ku ammaanay doorkii ay ka qaateen dhamaysirka khilaafkan iyo doorkii odaynimada lahayd ee ay ka qaateen xal u helida arintan mudada murugsanayd.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo maareeyaha TV-ga qaranka oo dhamaantood madasha ka hadlay ayaa dhinacooda ku ku adkaystay adkeeyey qiimaha shaqo wanaaga sidoo kalena shaqaalaha ku soo dhaweeyey qalbi furan iyo waji farxad le

Ugu dambeyntii arintan ayaa bog cusub u furaysa in shaqaalaha dawladdu ku dhaqmaan sharciga sidoo kalena hay’adda shaqaalaha dawladda u horseeday in ay noqoto hoy iyo hilin shaqaalahu u soo noqdaan marka ay qalad sameeyaan ama qadaf iyaga laga galo, waxaana ay u muuqata qaabka loo damiyey xiisadii wasaaradda warfaafinta ka taagna tallaabo  noqonaysa  mid qaranka bilow ugu noqon doonta ku dhaqanka sharciga iyo in halkii awal cid kale ergo geli jirtay isla dawladdu dhexdooda noqoto mid loo kala cawdo isla markaana iyada dhexdeedu is qaban karta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.