WorldRemitAds

Maamulka Milatariga ah ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay inuu xukun del delaad ah, ku fuliyay, tobanaan masuul iyo tiro kale oo shicib ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay daawadeen filimada taxanaha ah ee Musal salka loogu yeedho.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, ilaa konton qof oo isugu jira masuuliyiin iyo shicib ayaa bishii ugu danbaysay, lagu del delay dalka Waqooyiga Kuuriya, waxaana sababta loo del delay dadkani dhamaantood la xidhiidhay daawashada filimo taxane ah.

Sida wararku sheegayaan, dawlada Waqooyiga Kuuriya ee Milatariga ah, waxa ay hore u mamnuucday daawashada filimada ajaanibka ah, iyada oo uga dan leh sidii ay u joojin lahayd filimada taxanaha ah ee dalka deriska ay yihiin ee Kuuriyada Koonfureed oo daawashadoodu aad ugu soo badanaysay dalkaas.

SomlegalAds

Filimada lagu matalo Koonfurta Kuuriya oo intooda badan xambaarsan xayaysiisyo lagu buun buuninayo, nolosha dumuqraadiyada ah ee dadka Koonfurta Kuuriya ku nool yihiin iyo xoriyada ay haystaan, halka taa badalkeedana lagu dhaliilayo kali talisnimada iyo xukunka milatari.

Markii xukuumada Pyongyang dareentay saamaynta ay filimada ajaanibka ahi ku yeelan karaan, shacabka dalkeeda, ayay hore amar lagu mamnuucaya uga soo saartay, waxaanay taasi sababtay in maxkamaduhu si deg deg ah xukun dil del delaad ah ugu fuliyaan, cidii lagu helo in ay daawatay filim taxane ah iyo kuwo wakhti kooban ah, labadaba.

Dadka la deldelay waxa ku jira toban masuul oo qaarkood ay saaxiibo aad isugu dhow ahaayeen, Janaraalkii Adeerka u ahaa Hogaamiyaha dalkaas Jang Sung oo sanadkii hore dil del delaad ah uu ku fuliyay, Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Sida wakaalada wararka Kuuriyada Waqooyi ee (Yonhap), ku warantay waxa del delaada masuuliyiintan lagu fuliyay, fagaare dadka lagu dilo oo ku yaala caasimadda dalkaas ee Pyongyang, waxaanay tobankan masuul ka tirsanaayeen xisbiga Shuuciga ah ee dalkaas xukuma, ee lagu magacaabo, xisbiga Shaqaalaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.