WorldRemitAds

Maamulka wasaarada waxbarashada dalka Kuwait ayaa shaaciyay, tobanaan arday oo loo qab qabtay, denbiyo ka dhan ah imtixaanaadka dugsiyada ee dabayaaqada bishan May ee aynu ku jirno lagu wado inuu ka bilaabmo dalkaas.

Wasaarada ayaa cadaysay in ardaydan la qab qabtay ay isku sameeyeen qaliino loogu beerayo, sameecado ay ku qishaan imtixaanka, kuwaas oo inta lagu rakibo dhegta gudaheeda, ka dibna marka ay imtixaanka galaan looga soo yeedhin karo guryaha marba su’aasha uu doonayo inuu ka jawaabo ama ku adkaato.

Sameecadahan oo ah kuwo qiyaas ahaan leek midhaha bariiska ayaa ta maqalka lagu beerayaa dhegta gudaheeda, halka ta kale ee Makarafoonka ahna loo dhex gelinayo carabka badhtankiisa oo sida loo arki karo ama loo soo saari karaa aad u adag tahay.

SomlegalAds

Guud ahaan labadan sameecadood ayaa qiimahoodu noqonayaa 120-Dinaarka Kuwait ah oo u dhiganta Sadex Boqol iyo lixdan dollar, laakiin waa kuwo leh halis caafimaad, isla markaana sababi kara halis in qofka noloshiisu gasho, tusaale ahaan haddii muddada ay ku jiraan dhegta iyo carabku ay dhaafto wakhtiga loogu tala galay oo aan bil dhaafsiisnayn, waxa kale oo dhibaato leh haddii baytariga ku jira dabku ka dhaco oo kabuubyo iyo halis kale ay ku keeni karaan qofka.

Sameecadahan oo noocoodu yahay, tignoolajiyada ugu danbaysa dunida ee Nano-Electronic, loogu yeedho, oo ah qaab shay kasta qiyaasta ugu yar lagaga dhigi karo, waxa markii ugu horaysay laga isticmaalay waddamada Shiinaha iyo Ingiriiska, oo ka mid ah dalalka Ugu Imtixaanada adag dunida, sida wayna loo kala reebo ardayda.

Waxaaay si degdeg ah ugu fideen dunida oo dhan, wallow muddada ay jiraan aad u kooban tahay oo aanay sanad iyo badh ka badnayn, wasaarada ayaa sheegtay inay diyaarsatay qalabyo kala duwan oo dhamaan ardayda oo dhan lagu baadhayo, kuwaas oo suura gal ka dhigaya in arday kasta oo qaliinka noocan ah ee sameecadaha dhegaysiga qishka loogu beerayo isku sameeyay.

Durbadiina ay ku guulaysteen inay arday badan oo isku sameeyay qaliinkan imtixaan qishka ah, ay helaan oo xogtooda cusbitaaladii qaliinada u sameeyay ay ka caawiyeen, taas oo ka hor intaan imtixaanku bilaabmin laga war helay oo gacanta lagu dhigay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.