WorldRemitAds
Duuliye u dhashay dalka Kuwait oo gabadh filimada dhaqan xumada ah matasha oo u dhalatay dalka Maraykanka, ku soo dhaweeyay qaybta shidhka diyaarada kuna marti qaaday wakhti diyaaradu duulimaad ku jirto, ayaa sawiradii uu la galay gabadhaasi galaafatay, isla markaana sabab u noqotay in laga casilo xilkii kabtan-nimada diyaarada.

Wasiirka gaadiidka dalka Kuwait Issa al-Kandari, ayaa golaha sharci dejinta dalka Kuwait u qoray, warqad uu kula socodsiinayo, casilada duuliyahaas, ka dib markii uu jabiyay dhaqankii iyo masuuliyadii kabtan-nimo ee waajibka ku ahayd.
Duuliye Kuwaiti ah iyo AktaradSida wasiirku sheegay waxa uu duuliyahani waayi doona masuuliyadii uu ka hayay, duulimaadyada dalka Kuwait, taas oo kabtan gaadhsiisnayd, kuna xukumayay shaqaalaha iyo masuuliyada diyaaradiisa, laakiin laga bilaabo markii amarka wasiirku soo baxay, waxa uu noqon doonaa, qof ka mid ah hawl wadeenada diyaarada, oo aan lahayn wax maamuus iyo derajo ah oo shaqaalaha diyaaradu ku xaq dhowraan.
Bishii hore ee November ayay ahayd markii jariirada Daily Mail ay baahisay, sawirada Duuliyahan iyo gabadhan aktarada reer Maraykan ee filimada dhaqan xumada ah matasha oo ku wada dhex jira, qaybta shidhka diyaarada laga kaxeeyo.
Waxaanay jariiradu warkeedaas ciwaan uga dhigtay, duuliyaha diyaarad Kuwait leedahay oo u kala duulaysay London iyo New York oo qaybta laga duuliyo diyaarada, ku marti qaaday aktarada Cloete Khan, oo ah gabadh caan ku ah filimada qawanaanta iyo dhaqan xumada ah, taas oo ku soo caan baxday barnaamijka taxanaha looga sii daayo telefishanka ee X Factor.
Haweenaydan ayaa jariirada u sheegtay in soo dhawayn diiran oo aanay filayn ay kala kulantay duuliyahan reer Kuwait, kaas oo sida ay sheegtay markii diyaarada ay koreen iyada iyo saaxiibadeed si diiran u marxabaysiiyay, degdegna uga furay diyaarada qaybteeda laga kaxeeyo, halkaas oo uu fadhiisiyay, shaqaalaha diyaaradana uga dalbaday quruurad khamriga Sham Baine-ka ah oo uu si gaar ah ugu casuumay.
Dawlada Kuwait ayaa duuliyahan u casishay si aanay dhibaato u gaadhin diyaaradaheeda iyo dadka rakaabka ah ee ku safra, waxana talaabadan laga qaaday duuliyaha ka hadashay gabadhaas darteed iyo sawiradii uu la galay loo eryay, waxanay sheegtay in ay aad uga xun tahay, duliyahaasina sida ay xustay uu ahaa nin wanaagsan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.