WorldRemitAds

Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax

Bishii April 2015 maalin ka mid ahayd ayaa waxaan Marxuum Axmed Xasan Cawke Allaha u Naxariistee, ku kulanay Radio Hargeisa Goor Barqo ah. Iska raacnay, waxaan tagnay Guriga XIDIGAHA GEESKU Hargaysa ay Ka Daganyihiin, Halkaasi oo aan wakhti ku wadda Qaadanay.

Marxuum Cawke Wuxuu Maalintaa iiga Sheekeeyay.

SomlegalAds

Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo saaxiibo Dhaw ay ahaayeen,. Iyo Madaxwaynihii Hore ee Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Bare oo uu la soo Shaqeeyay.

Marxuum Cawke waxa uu Dadnimo, Karti, Dulqaad iyo Wanaag badan uu iga Sheegay nin la yidhaa Khaliif Ciise Mudan oo uu yidhi Waa Hogaamiye Wakhtigiisii Aanu Wali Iman.

Cawke iyo Abwaan Laab SaalaxWaxa Kale oo uu wax iiga Taabtay, Siduu Shaqada Saxaafada ku Bilaabay iyo Siduu ku Noqday Afhayeenka Madaxwaynihii Somalia Marxuum Siyaad Bare.

Marxuun Cawke Waxuu ii Cadeeyay intii uu La Shaqaynaayay Siyaad Bare inuu Ka Bartay wax badan, Islamarkaana La Kulmay Madax badan oo dunidan ka soo Talisay, kuwaasi oo kala dhar iyo dhaqanba Duwan. Marxuum Cawke wuxuu si mugle iigu iftiimiyay in SIRTU Tahay wax Masuuliyad u Baahan.

Axmed Xasan Cawke Talooyin Nolosha ku Saabsan ayuu I siiyay, Waxaanan Hubaa Daqiiqada aad la kulanto Cawke inaad ka faa’iidaysay Cashar nolosha kaa An Faca,

WUXU IGU YIDHI MARXUUM.CAWKE.

:: Waligay Qof Nalama Kala Jiidin oo is maanu Feedhin intii Aan Caqliyaystay

:: Waxa Kale oo igu yidhi Qofna kama Caban, Qofna Uma Caban, Ee kolba Xaalada Shaqo, Dhaqaale iyo Ta Nololeed ee markaa Taagan ayuun baan la Noolahay.

:: Waxa uu Igu Yidhi oo Kale Qof aanan Aqoon oo aflagaado Ii Gastay Kama Cadhoon, mana su’aalin Sababta uu iigu Xanaaqay, Balse aniguun baa Dib u Raali galiyay intaana wuxuu I Raaciyay

‪#‎Magac hadaad Yeelato Ilaalin ayuu kaaga Baahanyahay!

:: Waxa Kale oo uu ii Sheegay In uu Tagay Caasimadaha Aduunka Dhamaantood Marka Laga Reebo Laba Caasimadood, intaa markuu igu Yidhi intuu Marxuumku waxoogaa Madaxa Ruxay, Ayuu ii Raaciyay. Xamar Caasimad Duntay iga Dheh

Marxuumku Wuxuu Ahaa. Nin Niyad Wanaagsan. Qalbigana Qani ka ah. Islamarkaana aad u naxariis badan.

Marxuum Cawke Wuxuu Lahaa Curin Fog, iyo Hibo Tabineed oo Dhagaha Dadka inta uu hadlaayo keenaysay inuu Hanto.

Wuxuu Lahaa Magac Wayn oo Dadka Afsoomaaliga ku hadlaa ay aad u Yaqaaneen. Iyo Sumcad dhisan oo laga Dheehan karo Shakhsiyadiisa Wanaagsan. Wuxuu ku Fiicnaa War Akhrinta, iyo Gudbinta barnaamijyada Madadaalada ah.

Wuxuu Af-Soomaaliga warbaahinta ku soo kordhiyay eray bixino badan, Sida Naf La Caari, Gagidda Diyaaraduhu Ka Haadaan, Maamulka Ulaha Boocda ah ku Tukubaya, iyo Qaar kale oo Fara Badan.

Axmed Xasan Cawke Markuu barnaamij Diyaarinaayo intaanu Bilaabin Xog Badan ayuu isku Dayi Jiray inuu ka ogaado barnaamijka u Diyaarinayo, Marxuumku Xidigaha Geeska barnaamij Uu ka Diyaariyay Intuu ku Sifeeyay ma Qabo in Qof wariye ihi hore ugu Sifeeyay Dibna ugu Sifayn Doono.

Marxuum Cawke Wuxuu Ahaa Nin.Xarago.Badan, dhawrsoon,..Xan Neceb, Gacan Furan Waaya arag ah. Wuxuu ahaa nin Afka, Dhaqanka, iyo Dhulka Somaliyeed aad u Kala.Yaqaana, Allaha u Naxariisto Marxuum Axmed Xasan Cawke oo Xaqii u yimid ilaahii abuuray oofsaday Aamiim .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.