WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 07, 2018 (Saxafi) – Laamaha ammaanka Somaliland iyo hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay uga hortagi lahaayeen inay sii fiddo shaqaaqo mar kale labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka soo cusboonaatay xaalad ka oogan deegaanka Ceel-Afweyn.
Wararka laga helayo deegaanka Dararweyne ayaa sheegaya in khasaare dhimasho gaadhsiisani ka dhacay deegaankaas, Islamarkaana tuhun iyo madmadow hor lihi soo kala dhexgalay beello walaalo ah oo aagaas hore dagaal ugu dhexmaray, ka dib markii hal qof la dilay doraad.
Arrintan ayaa la wariyay inay mar kale xiisad abuurtay, hase ahaatee, wararka laga helayo magaalada Ceel-Afweyn ayaa sheegaya in walow dhawaaqa rasaasta laga maqlay magaaladaasi shalay, haddana ay ciidamada qaranka Somaliland ku guulaysteen inay joojiyaan gurmad labada beelood ee dagaalamaya ka socday iyo in xaaladdu faraha ka baxdo iyaggoo gurmad xoogan ka galay sidii ay arrinta gacanta ugu qaban lahaayeen.
Wararku waxaa ay intaas ku dareen in waxgarad xoogan ooh orebe isugu urursanayay inay ka howl-galaan xiisadan iyo dawladda Somaliland oo wadday guddi heer sarre ah oo xalisa shaqaaqada la dardar geliyay, shalayna wax garad badan oo dhinacyadaas ka madax banaan oo is xilqaamay ay u gurmadeen inay nabad-yaldda wax ku biiriyaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.