WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, March 26, 2012 (Saxafi) – Wadadda isku xidha Magaaladda Boorama iyo Jaamacadda Camuud, ayaa laga bilaabay in laga hirgaliyo waddo Laami ah, taas oo ay iska kaashadeen ganacsato reer Somaliland ah, hay’ada Camuud Foundation, Ardayda iyo Maamulka Jaamacadda iyo shacabka reer Boorama.

Waxa iyaguna kaalin weyn ka qaatay dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo uu Hor kacayo Maayarka Magaaladda Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir oo ugu deeqay qalabka lagu marinayo Daamurka iyo Laamidaba.

 Munaasibadan loo sameeyey jidkan isku xidha magaaladda Boorame Iyo Jaamacadda Camuud, ayaa waxa ka soo qaybgalay, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof; Suleemaan Axmed Guuleed,Muj.Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,masuuliyiinta Jaamacadda cammuud, shirkadda dhismaha jidadka Awdal/Selel ASERDA, Odayaal iyo martisharf kale ayaa lagaga hadlay faaiidooyinkani jidkani u yeelan doono mustaqbalka ardayda jaamacadda Camuud iyo guud ahaanba deegaanka Boorama, Ardayda, maamulka Gobolka heer degmo iyo Gobolba. guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guleed oo ka warbixiyey faa’idada jidkani u leeyahay jaamacada, isagoo xusay in ay sahlayso in jaamacada iyo magaaladu isku xidhanto, isla markaana la dhigan karo jaamacada habeenkii iyo galabtiiba, waxa kale oo ay sahlaysaa inay kharashkii gaadiidka ku bixi jiray haddii ay noqon lahayd dayactirka iyo shiidaalka uu yaraanayo maadaamo oo uu jidka markii uu rafka ahaa uu dhibaato badan u keenaysay gaadiidka balse kharashkii ku bixi jiray uu ka yaraan karo.

SomlegalAds

Prof: Saleebaan waxa uu u mahadnaqay ganacsatadii iyo cid kasta oo gacan ka gaystay wadadda laamidda laga dhigayey ee isku xidhaysa jaamacadda Camuud iyo Magaaladda Boorame oo dhererkeeddu yahay illaa lix Kiillomitir.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Magaaladda Hargeysa, Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir oo sheegay in qalabka uu ugu deeqay fududaynayso hawshan, isla markaana wax kasta oo looga baahdo ay ugu deeqayaan, gacan libaaxna ka gaysan doonaan dhamaystirka jidkan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Oday Xaaji Daahir Aw Cilmi oo ka mid ah odayaasha gobolka Awdal kuna jira guddida Jaamacadda Camuud ayaa u duceeyey dadkii madasha iskugu yimid iyo kuwii ka qaybqaatay hirgalinta wadadan isku xidhaysa jaamacadda iyo magaaladda.

Muj.Cabdiraxamaan Aw Cali Faarax ,kana qaybgalay munaasabaddan ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay sida ay maanta iskugu xidhmeen hoygii waxbarashada Cammuud ee uu ka qalinjabiyey  tobannan sanadood ka hor uu maanta arko isagoo laami ah ,taasoo xusuusinaysa  inuu weli jiro damiir waddaninimo oo ay dadku wax ku qabsan karaan .

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin farobadan oo dhamaantood soo dhoweeyey samaynta jidkan oo lagu tilmaamay inay faa’iido badan u leedahay jaamacadda, waxa isaguna halkaasi ka hadlay maayar ku xigeenka magaaladda Boorame iyo madax kale oo badan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.