WorldRemitAds

Sannad ku dhawaad ayay ku jireen xabsi ku yaalla Liibiya. Waxaa loo haystay inay dalkaas ku soo galeen sharci darro, doonayeenna inay uga sii tahriibaan Yurub. Maraanmar badan ka dib qoysaskoodii waxaa lagu qanciyay in la keeno Baasaabooro ay kaga dhoofaan Liibiya si loogu celiyo Soomaaliya. Ehelladii ayaa dadaal u galay siday laanta Socdaalka ‘’Dawladda’’ Soomaaliya uga heli lahaayeen waraaqo maxaabiistaasi kaga soo dhoofaan Liibiya si ay dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka ayay la xadhiidheen oo Xamar jooga, wuxuuna ku yidhi ‘’si loogu sameeyo Baasaboor dadkaas waa inay Xarrunta yimaadaan’’!! Oday Guuleed oo 70 kii ka gudbay, tin madawna aan lagu arag kana mid ahaa waalidiinta maxaabiista ayaa isagoo hadalka sarkaalka la yaabban yidhi ‘’War maandhoow gurigaa bi’i waaye haddii ay xarrunta iman karaan miyaan kuu iman lahayn’’ dadku waa maxaabiis si looga soo daayo xabsiga looguna soo celiyo Soomaaliya waa inay haystaan aqoonsi adinkaana haysta aqoonsigaas ee maxaad na leedihiin?

Inta kursigii hadba dhinac isugu warwareejiyay ayuu yidhi. ” barri subax ii imo, 10ka aroorta waxaan u gudbinayaa arintiina madaaxa Laanta Socdaalkee “, Oday Guuleed waagii ayaa ku dheeraaday subaxdii hore ayuu sii istaagay meeshii lagula balamay waa xarunta Socdaalkee, 10 kii ayay dhaaftay asagoo yaabban tusbixiisana isaga wardiyaya ayuu 12 kii duhurnimo arkay ninkii shalay la ballamay oo Gaadhi qurux badan oo dhawr wiil oo hubaysan galbinayaan kasoo dagaya oo xafiiskiisii sii galaya, intuu yara farxay ayuu maagay inuu ka daba galo, waase loo diiday inuuba u galo.

SomlegalAds

Goor danbe oo hadal iyo calaacal ka dhammaaday ayaa loo ogolaaday inuu sarkaalkii la ballansanaa u galo. Kumaad ahayd, iyo kulama ballamin duqa ee maxaan kuu qabanaa ayuu jawaab uga dhigay, Guuleed yaab kii ayaa ku kordhay. Sheekadii shalay ayuu mar kale u mariyay. “Haa haddaan gartay”, inta uu yidhi ayuu weydiyay, “Imisa qof weeye dadka aad baasaboorka u rabtid duqa”, Xurma darrada ninkan isagoo ka yaabban ayuu Guuleed ugu jawaabay, “waa 13 dhalin yaro lab iyo dhaddig isugu jira Kuray ayaanse anigu awoow u ahay”. “Sawirradooda iyo $300 (Saddex Boqol oo Doollar) qofkiiba la imo, waa laguu dhammaynaa”, ayuu sarkaalkii ku yidhi odaygii. Oday Guuleed wuxuu maqlay isagoo malaysan la’ ayuu ku celiyay, “300 miyaad tidhi maandhoow?” “Haa saddex boqol oo Doollar, sababtoo ah annagu ma ogin dadkaad sheegaysaa inay dawladda Liibiya u xidhay falal argagaxiso inay Shabaab yihiin maxaan ka ognahay in la baadho weeye wakhti dheer ayay qaadaneysaa marka anigaa kuu dhammaynaya ee $300 oon ku qanciyo taliyahayga iyo sawirkiisa ii keen, waxaan odhan doonaa anigaa Abti u ah wiilkan nadiif waaye”.

Oday Guuleed intay cadhadii ka badatay oo uu sare u joogsaday ayuu yidhi, ”Liibiya dawlad kama jirto Xoolo muuqaal dad leh sidiinoo kale oo Qadaafi dadka ka hayay ayaa ku habsaday anaase idinka liita saa waxaan idin mooday Daacad inaad ugu shaqaynaysaan shicibka, Dulli adigoo kale ah oo laaluushka gurtaa wiilkayga Abti uma noqdee, mid ku dhaama idamka Alle , Intaan laaluush intaan bixiyo Cadho Eebbe igu habsan lahayd Xabsiga ha iigu jiro”.

Baasaboor $100 Jooga maxaa $300 ka dhigay ? yaa jawaab u haya Oday Guuleed ? waa wadda sidaase garo.

W,Q, Aadam Cabdiraxmaan (Zaki)

Email: Aadan17@yahoo.com

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.