WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, June 17, 2018 (Saxafi) – Wararka naga soo gaadhaya Magalada Berbera ayaa waxa ay sheegayaan in shalay galab Xeebta magaaladaasi ay liqday laba wiil oo dhallinyarro ah oo ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalxiiska uga tegay magaalooyinka kala duwan ee dalka Somaliland.

Labada Wiil ayaa ka mid ahaa dadka u dalxiis tegay maalmaha Ciiddal Fidriga, iyada oo lagu guda jirey maalintii labaad ee ciidda, waxaanay Xeebta Batalaale ka tirsan tahay Magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ee Somaliland.

SomlegalAds

Labada Wiil ayaa wararku waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah oo lagu Magacaabi jiray Farxaan Ibraahim Diiriye uu geeriyooday, halka midka kale la soo bad baadiyey, waxaana lagu dabiibayaa Cusbitaalka Berbera, iyadoo kan dhaawacan lagu Magacaabo Barkhad Ismaaciil Maxamed.

Xeebta Batalaale ayaa waxaa ka howlgalla koox lagu magacaabo Kooxda badbaadada oo ka socota dawladda Hoose ee Magaalada Berbera, kuwaas oo soo badbaadiyey mid ka mid ah labada dhallinyaradda ah ee ay Baddu qaaday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.