WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, November 3, 2014 (Saxafi) – Laba gabdhood oo dhowaan dhamaystay jaamacadaha ayaa shalay dablay hubaysani ku toogatay xaafada Mac-macaanka oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Dad xiligii dilku dhacayey goobta ka agdhowaa ayaa sheegay in gabdhaha ay madaxa ka toogteen labo nin oo watey dhug-dhugley (mooto), isla markaana markiiba goobta ka baxsaday.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka gabdhaha, waxaana xusid mudan in mid kamid ah labada gabdhood qaraabo yihiin gudoomiyaha degmada Dharkeynley.

SomlegalAds

Ma aha markii ugu horeysey ee gabadho arday ah Muqdisho lagu dilo, haseyeeshee April 4, 2014 ayey ahayd markii la toogtey gabadh ardayad ahayd lagu magacaabi jirey Nafiso Cismaan Salaad.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey iyadoo qaraxyada iyo dilalka qorsheysniba aad kor ugu kaceen.

Sidoo kale, waxa dilal qorshaysan lagu dilay magaaladda dad faro badan oo deegaamo kala duwan joogga, waxaana baryahan dambe soo badanayey dilalka dadka shacab aah.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.