WorldRemitAds
Dhacdo aad looga yaabay ayaa todobaadkan ka dhacday magaalada Florida ee dalka Maraykanka, taas oo ka dhex dhacday lamaane sagaashan jiro ah oo is qaba, kuwaas oo dagaal gacan ka hadal ah oo dhulka ay la galeen ka dhex dhacay, kaas oo sababay in cusbitaalka loola cararo, laakiin markii danbe ee laga waraystay midkoodna garan waayay sababta dhalisay iyo waxa ay ku dagaalameen midna.

Sida lagu baahiyay shabakada wararka ee Mynews 13, waxa dagaal qadhaadh oo gacan ka hadal ahi dhex maray, lamaane degan magaalada oo lagu kala magacaabo, Charlene Earl, oo sadex iyo sideetan jira ah iyo odaygeeda Charles Earl oo todoba iyo sideetan jir ah, waxaanu dagaalkaasi sababay in labadooduba ku miyir beelaan oo gaadiidka gurmadka deg deg ah oo loogu yeedho cusbitaaladana loola cararo.
Lamaane Dagaal dhexmarayLamaanahan da’da ah oo sida la sheegay muddo afar iyo lixdan sanadood ah is qabay, waxa labadoodaba la dhigay cusbitaal halkaas oo lagaga dawaynayo dhaawacyo kala duwan oo mid walba qabo, laakiin waxa layaab noqotay in midna aanu garan karayn dagaalka ay galeen ee ay ku dhaawacmeen sababtiisa iyo waxa ay isku qabteen ee ku kalifay inay isku gacan qaadaan midna.
Dhacdadoodan oo noqotay mid aad looga sheekaysto hadal haynteeduna ku badatay bulshada dhexdeeda, isla markaana warbaahinta qaada dhigtay, waxa markii ugu horaysay lagu ogaaday su’aalo ay dhakhaatiirtii dawaynaysay mid walba gaarkiisa u waydiiyeen laakiin ay jawaab lagu qanco uga waayeen.
Haddana waxa soo dhex galay booliska oo baadhitaan ku samaynayay sababta dagaalkan dhibaatada keenay ka dhex abuurtay lamaanahan, laakiin booliska laftoodu aad bay ugu wareereen oo wax xog ah kamay helin lamaanahan, waxaanay u dhaafeen inay cusbitaalkooda iska jiifaan, mid walbana ka kale haddii uu itaal dhaamo soo booqan karo qolka la dhigay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.