WorldRemitAds

Laba haween ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa sagaal iyo soddon (39) sannadood ka dib ogaaday, khalad cusbitaalkii ay ku dhasheen kaga dhacay, oo waalidintooda loogu kala bedelay taas oo sababtay in la siiyay qoysas aanay u kala dhalan, dhibaato nololeed oo noloshoodana halis soo galisayna ay ka soo muteen.

Veronika Shevetsova iyo Tanya Savelyeva, oo labadooduba sagaal iyo sodon jiro da’doodu tahay waxay ku wada dhasheen cusbitaal ku yaala degaanka Pozhva ee gobolka Perm ee dalka Ruushka, halkaas oo isku wakhti ay labadooda hooyo ku wada umuleen, balse dhakhaatiirtii cusbitaalku ay u kala badaleen labadoodi hooyo.

Khaladkan dhakhaatiirta cusbitaalku sababeen waxay labadan dumar ah, gayaysiisay dhibaato noloshooda halis gelisay iyo burbur qoysaskoodi ku dhacay, ka dib markii ay Aabayaasha dhalay mid walba ka shakiyay ilmahan aanu carruurtiisa u ekayn ee xaaskiisu dhashay.

SomlegalAds

Takoor iyo dhibaato badan oo ay kala kulmeen qoysaskooda ayaa ku kalifay inay baadhitaan dhinaca dhiiga hido sidaha ee “DNA-ga” loo yaqaano ay isku sameeyaan, kaas oo natiijadii uga soo baxday noqotay mid shakigii ay mid walba qabtay sii kordhiya una xaqiijiya in aanay u dhalan qoyskeeda.

Veronika Shevetsova ayaa dhibaato badan kala kulantay khaladka dhalashadeedi ku dhacay, waxaanay sheegtay in aabaheed aad u necbaa had iyo jeerna ay hooyadeed isku qabsan jireen inaanu dhalin oo ay nin kale u dhashay.

Gabadhan ayaa sheegtay in toban jirkeedi uu aabaheed damcay inuu dilo oo uu barkimo iyadoo huruda ku buquujiyay, xaaladaas oo markii ay hooyadeed ogaatay sababtay inay sidaa ku kala tagaan, oo qoyskoodu sidaa ku burburay, xaaladaas oo sida ay sheegtay nolosheeda oo dhan saamayn xun ku yeelatay.

Laakiin gabadha kale Tanya Savelyeva, ayaa iyadu xustay in qoyska aanay u dhalan ee loo badalay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan oo si fiican u barbaariyay, aadna ay u jeceshahay oo aanay waligeed wax xumaan iyo takoor ah ka arag, aadna ay uga xumaatay markii ay ogaatay in aanay dhalin ee ay u badalantay qoys kalana abtirsiinteedu ka soo jeedo.

Xaalada labadan haweenka ah ee sagaal iyo sodonka sano ka hor u kala badalmay qoyasaskooda ayaa noqotay mid si wayn u gil gishay rayul caamka guud ee dalka Ruushka, waalidiin badanina ay si wayn indhaha ugu hayeen tan iyo markii dacwadeedu bilaabantay ee garyaqaanka haeenkan u doodayaa dacwadeeda bilaabay.

Hasa yeeshee sida sharciga dalka Ruushku dhigayo, eedaynta loo jeediyo cusbitaalkii ay labadan qof ku dhasheen ayaan noqonayn mid xiligan suuro gal ah, sababtoo ah? Wakhtiga ka soo wareegay oo muddo ahaan aad u dheer iyo shaqaalihii wakhtigaas ka hawl galayay cusbitaalkaas oo intooda badani hawl gab iyo wax dhintay oo shaqada ka baxay noqonaya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.