WorldRemitAds

Dhar Dheeman ah – Mid ka mid ah haweenka farsameeya isla markaana nashqadeeya, moodeelada dharka iyo moodeelada cusub ee xayaysiisyada oo u dhalatay dalka Ingiriiska laguna magacaabo Debbie Wingham ayaa todobaadkan soo bandhigtay toob lagu tilmaamay ka dunida ugu qaalisan, kaas oo dhamaantii ka samaysan Dheeman iyo dahabka cad isla markaana lagu dul tolay qaybo dun ah si ay macdanahaas qaaliga ahi shagaar ugu noqdaan.

Talaabadan ay ku dhaqaaqday Ingham oo dad badani u arkaan mid ka badbadin ah, isla markaanaa aan ku haboonayn wakhtigan dhaqaalo xumada iyo musalafku dunida hadheeyay, haddana waxa la tuhunsan yahay in uu ka dhashay ama jawaab u yahay bandhig dhawaan dadka Style ku badka soo dhigeen oo ahaa gacmo dahab lagu xardhay gaar ahaan cidiyaha haweenka kuwaas oo jabiyay rikoodhkii Style-ka qaaliga ah oo ay soo bandhigtay Azature.

SomlegalAds

Layaabka Adduunka: Dhar Dheeman Ka SamaysanToobkan oo sida shagaarka loogu xardhay qidcado dheeman ah waxa uu qiimihiisu kor u dhaafay markii la tolayay sadex milyan iyo shan boqol oo kun oo Yuuro, waxaana lagu dul tolay in ka badan konton qidcadood oo dheemanta madow ah, taas oo culayskoodu yahay mid kasta Keratin, waxaanu isu gayn culayskiisu dhan yahay 13-kiiloo giraam.

Qaybta sare ee toobkan oo dhamaanteed gacanta lagu tolay waxa uu tolmihiisu qaatay muddo lix bilood ah, waxaana lagu sameeyay oo lagu xardhay in ka badan shan grams oo dheemanta madow ah, waxa kale oo shagaarkiisa ka mid ah qaybo ama qidcado tiro badan oo dahabka cad ah, kuwaas oo marka la isku daro kor u qaadaya qiimaha toobkan.

Toobkan oo macno ahaan marka la sii tix raaco aan lahayn, waxa kaliya ee uu noqon karaa ama u qalmaa in lagu naanayso oo kaliya toobka ugu qaalisan dunida, waxaana jira dad badan oo duray wax laga yaabana ku tilmaamay, hasa yeeshee kooxaha sameeyay iyo gabadhan toshay ee soo bandhigtay ayaa aaminsan in ay dedaal badan sameeyeen wax qiimo lehna ay soo bandhigeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.