WorldRemitAds

Sida lagu baahiyay bayaan ay todobaadkiiba mar soo saarto wasaarada caddaaladda Maraykanka oo lagu shaaciyo xukunada iyo fulimaha maxkamaddaha Maraykanku todobaadkii u danbeeyay xukumeen ayaa lagu sheegay in Muwaadin u dhashay dalkaas ay Maxkamada gobolka Indiana ee waqooyiga ay maalintii salaasadii todobaadkan ku xukuntay 315-sanadood oo xadhig ah.

Ninkan ayaa sida bayaankaa lagu sheegay xukunkiisu ka dhashay muuqaalo carruur ah oo fawaaxish samaynaya oo uu sawiro fidiyow ah ka qaaday ka dibna baahiyay. Waxa kale oo guddida caddaaladda ee dalkaasi sheegeen in ninkaasi uu dhaqan xumo carruur aad da’doodu u yar yar tahay samaynayaan uu ka duubay fidiyow ka dibna uu ku baahiyay barta Internetka.

Sidoo kale xukunka ninkan oo lagu magacaabo David Pstic da’diisuna tahay 25-jir, ee lagu xukumay 315-ka sanadood ee xadhiga ah, waxa lagu daray warbixin laanta daba galka iyo danbiyada u qaabilsan dalka Maraykanka ee FBI-du baahisay, oo wiilkan dhalinyarada ahii uu kaga jiray kaalinta koowaad liis ka hadlayay dhibaatada iyo dhaqan xumada carrurta ee dhinaca sinada iyo fawaaxishka ku baahay dalkaas.

SomlegalAds

Maxakamadda ninkan ku xukuntay shan jeer laabka cimrigiisa ayaa sheegtay in ninkaasi uu caadaystay isla markaana ka ganacsaday carruur qaaqaawan iyo kuwo dhaqan xumo iyo fawaaxish samaynaya oo uu si ganacsi ah ugu baahiyay Internetka kana samayn jiray dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee waxa xukunkan lagu tilmaamay kii ugu layaabka badnaa qarnigan, waxaanay dad badan oo xabsiga lagu xukumo dadka ee wakhtiga dheer ah ka soo horjeedaa ku tilmaameen caqli daro, sababtoo ah, waa xukun afka uun ah oo aanu qofku dhamaysan karin, xitaa haddii Maydkiisa iyo qabrigiisa lagu fuliyo lama awoodo inuu noqdo mid dhamaystiraya ujeedadii loo xukumay sida ay kooxahaasi ku doodayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.