WorldRemitAds

Dalka Hindiya waxa uu ka mid yahay, waddamada ay ka jiraan, caadooyinka, dhaqamada iyo caqiidooyinka ugu layaabka badan dunida, kuwaas oo intooda badani ka yaabinayaan, qofka maqla ee ay ku cusub yihiin.

Hindiya waa waddan ay dhici karto in dadku caabudaan qof bashar ah oo la mid ah, waxa kale oo ka jira dad aan diinba haysan iyo kuwo wax kasta oo ka soo hor baxa ka barakaysta una aamina sida Rabi loo aamino ama wax loo waydiisto, tusaal ahaan waxa dalkaas ka jira, Haweenay lagu magacaabo, Anjali Parma taas oo noqotay, mid laga barakaysto, oo dalka oo dhan looga soo safro, haweenaydan oo ah mid aad u gaaban, oo dherarkeedu dhan yahay 82-cm, waxa da’deeda lagu qiyaasay shan iyo lixdan jir, waxaanay leedahay macbad iyada darteed loo yimaado.

Sida wakaaaladaha wararka dunidu ku warameen, waxa haweenaydan dadka u yimaada macbadkeedu u caabudaan sidii qof karaamaysan oo wax badan u qaban karta kana caawin karta arrimaha ku cakiran, waxa ay haweenaydani iyada lafteedu aaminsan tahay inay tahay qof karaamo leh oo wax badan u qaban karta dadka.

SomlegalAds

Haweenaydan ayaa muddo dheer u xarbiyaysay sidii ay qudbi samaan laga barakaysto ugu noqon lahayd dadka reer Hindiya ee diin la’aantu bariisatay.

Anjali Parma oo sidoo kale lagu magacaabo, [Ganga] ayaa tidhi, waxa ay dadka badankoodu ii aaminsan yihiin, inaan ahay qof gaaban waan necbaystaa, laakiin dadka oo dhan ayaa ii rumaysan inaan ahay qof baahidooda aduun oo dhan wax uga qaban kara.

Haweenaydan ayaa dadka baryayaa wax badan, u rumaysan yihiiin, waxaanay waydiistaan, ubadka, dhaqaalaha, fiisooyinka iyo in xitaa imtixaanada ay ku baasaan, dhamaan waa arrimo la yaab leh, waxaana loo keenaa lacagto tiro badan oo loo sheego inay tahay ajuuro, waa arrin layaab leh qof la baryayo oo haddana la siinayo lacag.

Haweenaydani waxa ay ka warantay waxyaabaha ay dadku waydiistaan, oo ay ka mid yihiin arsaaqda, dhasha iyo arrimo kale oo layaab ku ah iyada, hasa yeeshee waxa ay og tahay in arrimahan ay sabab u tahay iyada oo wakhti dheer ka shaqayn jirtay inay dadka aaminsiiso inay tahay qof awood iyo karaamo tiro badan leh.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.